Wasiirradii Somalia Ee Sucuudiga Tegay Oo Maamuus Hoose Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Wasiirrada Dhigooda Ah Oo Loo Diiday Inay La Kulmaan.

0
Friday June 09, 2017 - 13:46:00 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirradii Somalia Ee Sucuudiga Tegay Oo Maamuus Hoose Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Wasiirrada Dhigooda Ah Oo Loo Diiday Inay La Kulmaan.

    Muqdisho(AFKA);-Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal iyo La Taliyeyaal ayaa shalay u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaasoo ujeedka safarkooda yahay sidii dowladda Sacuudiga ay heshiisyo ula soo saxi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);-Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal iyo La Taliyeyaal ayaa shalay u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaasoo ujeedka safarkooda yahay sidii dowladda Sacuudiga ay heshiisyo ula soo saxixan lahaayeen. Liiska xubnaha wafdigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa isugu jira Lix Wasiir,

 Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, Taliye kuxigeenka NISA, La Taliyaha Madaxweynaha iyo La Taliyeyaal wasaaradeed.
Liiskan oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa waxaa dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo arrinta layaabka ah ay tahay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad aanu ku jirin Wasiirada, marka laga reebo in isku xirka safarka in Wasaaraddu laheyd.

Sidoo kale arrinta kale ee lala yaabay ayaa ah in Wasiiro laga reebay safarka sida Wasiirka Xanaanada Xoolaha Sheekh Nuur, waxaa booskiisa ku matalaya La Taliyaha Wasaaradda C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamed oo ay ilmo adeero yihiin Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole.

Inkastoo aan wali lagu dhawaaqin heshiis rasmi ah, ayaa hadana xubnaha wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya waxay kulan la qaateen xubno hoose oo heerkoodu ahaa Agaasimayaal, iyagoo aan la kulmin Wasiiradda dhiggooda ahaa, sidoo kale waxay la kulmeen Kuxigeenka Madaxa Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay maantaoo jimco ah dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in heshiisyo la soo gaaraan dowladda Sacuudiga, kaasoo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dowladda Sacuudiga ka fulineyso Soomaaliya.
Xubnaha wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Sacuudiga ayaa ku dhex dhacay xaalad ka dhalatay go’aankii dowladda Federaalka ay dhex dhexaadnimada kaga istaagtay khilaafka dowladaha Khaliijka, taasoo aanay ku qancin dowladda Sacuudiga, waxaana la sheegayaa in hadii dowladda Soomaaliya xiriirka u jari laheyd Qatar, wafdiga Wasiirada ee jooga Sacuudiga loo soo dhoweyn lahaa sidan si ka duwan, maadaama aanay wali dhiggooda la kulmin.

201768636325281595171170j1
Dhinaca kale Arrinta kale ee layaabka ah ayaa ah in xubnaha wafdiga ee ka kooban 15-ka xubnood aanay ku jirin Wasiirada muhiimka ah ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye, taasoo iyana xaalad kale sii abuureysa, waxaana inta badan safarada Madaxda iyo wafuuda dowladda u baxaan dibadaha uu ahaa mid lagu saleyn jiray habka awood qeybsiga.
Halkan hoose ka akhriso Liiska xubnaha Wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Sacuudiga

Liiska Wafdiga u xilsaaran Mashaariicda Saudi Arabia ka fulineyso Soomaaliya:
1. Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Iskaashiga Caalamiga:
Jamaal Mohamed Hassan

2. Wasiirka Maaliyada:
Abdirahman Ducaale Beyle Bayle

3. Wasiirka Gaashaandhiga:
Abdirashiid Mohamed Abdalluhi

4. Wasiirka Duulista Hawada:
Abdullahi Mohamed Salad

5. Wasiirka Beeraha:
Saciid Hussein Ciid

6. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha:
Maryan Aweys Jamac

7. Taliye Xigeenka NISA:
Abdallah Abdallah Mohamed

8. Agaasime ku Xigeenka Xaafiiska Madaxweynaha:
Abdirisaaq Ahmed Shiikh Mohamud (Shoole).

9. Madaxa Xaafiiska Jaamacada Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada:
Musdhafe Adan (Dagaal)
10- La Taliyaha Madaxweynaha Balal Maxamed Cusmaan