Dal Dagaalka wax ka Bartay iyo Dad Masiibadu Macalin u Noqotay.W/Q/Gudomiye Sharmarke Gelle

0
Friday June 09, 2017 - 17:22:42 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Dagaalka wax ka Bartay iyo Dad Masiibadu Macalin u Noqotay.W/Q/Gudomiye Sharmarke Gelle

    Ruwanda(AFKA);- Ruwanda waa dal ku yaala barriga badhtamaha Afrika isagoo xornimada qaatay 1962 kuna caan ah buuro badan oo ku teedsan iyo geedo cagaaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruwanda(AFKA);- Ruwanda waa dal ku yaala barriga badhtamaha Afrika isagoo xornimada qaatay 1962 kuna caan ah buuro badan oo ku teedsan iyo geedo cagaaran.

- Tirada dadka ku nool ayaa lagu qiyaasaa ilaa 12milyan iyadoo Badka dhulka Ruwanda yahay 26,338 Km2 , taasoo la macno ah in gobolka Sanaag ka wayn yahay dalka dhan

- Dalkan oo qabaa’il u samaysnaa xiligii gumaystaha ayaa labbada qabiil ee ugu tirade badan kala ahayeen HUTU 85% halka TUTSI-gu ahayeen 14% iyadoo qabiil kooban oo la degganaa la odhan jiray TUWAA-na ay ahayeen 1%

- Shaqo ahaan HUTU-gu waxay ahayeen beero-ley halka TUTSI-gu ka ahayeen xoolo dhaqato

- Ganacsiga xoolaha oo dhaqaale badan lahaa ayaa dhaxalsiiyey TUTSI-ga in ay u dhawadaan gumaystihii xiligaa haystay ee Belgium-ka , taasoo ay ku heleen awood siyaasadeed iyo aqoon fiican iyadoo HUTU-ga-na loo isticmaalay muruq-maalo aqoonta ka madhan

- Arintan oo u muuqatay mid ka cadhaysiisay qabiilkii markaa tirada badnaa ayaa keentay colaad hoosta ka huurta iyo nabad aan cago adag ku taagnayn.

- Kahor xornimadii Ruwanda, gumaystihii xiligaas ayaa soo abaabulay doorasho isla doorashadaasina waxay noqotay mid dibeda u soo saarta cadaawad raagaaday iyo ciil gaboobay waxaanay sababtay bilowga is guhaadin iyo isu-guuxid iyadoo awooda dalku gacanta u gashay HUTU-gii cadho-qabaha ahaa

- Mudo badan iyo taariikho kala duwan oo soo dhacay kadib , 06.04.1994 ayaa la soo riday diyaarad uu saarnaa madaxweynihii dalkaas ee Ruwanda Habyarimana oo qabiil ahaan kasoo jeeday qabiilka HUTU-ga, isagoo markaa kasoo noqday xabad joojin uu kula soo saxeexday Caruusha jabhadii RPF ee TUTSI-ga ahayd

- Diyaaradaa lasoo riday ayaa albaabka u furtay masiibada maalmaha socotay iyo xasuuqii taariikhda galay!

- Maalin uun kadib oo ku beegnayd 07.04.1994 ilaa 16.07.1994 oo ah muddo ku siman boqol casho oo keliya ayaa 800,000 "Siddeed boqol oo kun” ilaa 1,000,000 "Hal Malyan” oo TUTSI ah lagu dilay maalmo tirsan

- Boqolkaas casho kadib, reer Ruwanda waxay kala doorteen colaad abid ah iyo cashar iyo cibro maalmahaas ku dhamaada, waxaanay dib u yagleeleen heshiis iyo is laab xaadasho keentay in uu noqdo dalka uu maanta yahay!

- Maydadkii oo lafoobay ayey soo dhigaan xarumo ay kamid yihiin Kigali Genocide Memorial "oo aan booqday” halkaas oo laga barto dagaalka iyo wuxuu keeno sidoo kalena tusaale loogu soo qaato qiimaha is-cafinta iyo calool fayoobaanta

- Maanta qofka Ruwanda u dhashay ma waydiin kartid qabiilka uu yahay oo waa su'aal ceeb iyo cannaan aad kala kulmayso sidoo kale dhacdadan waxay uun u yaqaanaan wax taariikhda kamida! , waxaana mideeya oo keliya magaca RUWANDA,


Taarikhdan Waxa Ino So Gudbiyay Ama So Diyaariyay Gudomiyaha Hay'ada Shaqalaha Somaliland Sharmaarke Axmed Maxumed Gelle 

Oo Safar Shaqo ku Joga waddanka Ruwanda 



Image may contain: foodImage may contain: 1 person, suit

Image may contain: foodNo automatic alt text available.Image may contain: cloud, sky and outdoorNo automatic alt text available.


Image may contain: people sitting and indoor