Wasiirka Duulista Oo Beeniyay In Madaarka Hargeysa Lagu Wareejinayo Turkiga.

0
Saturday June 10, 2017 - 13:51:33 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Oo Beeniyay In Madaarka Hargeysa Lagu Wareejinayo Turkiga.

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay qoreen, qaar kamida mareegaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay qoreen, qaar kamida mareegaha

 internetka ee wararka baahiya, warkan ayaa sheegayey Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa in lagu wareejinaayo Shirkada Turkey Airlines.


Wasiirka oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi "Waxaan islahaa Ramadaanta oo ah Bil shadaadiinta la xidhxidho, sidoo kalena sheegista beentu ay ka mid tahay waxyaalaha Soonka Qofka wax u dhimaaya, ayaa waxaan la yaabay warka odhanaaya Madaarka Hargaysa oo Turkey Air Line lagu wareejinayo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "Waxaan leeyahay waa been Turkey Airlines maxay Madaarka la wareegtaa wali Dalkaba Diyaaradu may imane, mana jirto aduunka Madaar ay Turki Airlines maamusho, mana aha siyaasdeeda ee waa Shirkad ganacsi, majiro Madaarka Hargaysa oo cid kale lagu wareejinaya, kumana jirto ku talogalka qorshaha Wasaarada iyo ka Xukuumada midna, Wafti kasta oo noo yimaada iyo Safar kasata oo aanu baxno waxa ay u jeedadoodu tahay, balaadhinta iyo casriyanata Madaarada Dalka oo ka Hargaysina ka mid yahay, taasi waa waajib na saaraan oo aanu xilka iyo masuuliyada aanu u hayno ay nagu waajibisay, kuwa qoraaya waxaan leeyahay Alle danbigiina ha dhaafo.”