Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Uk oo Si Cilmiyaysan Uu Taageray Goankii Qadar xidhidhka loogu jaray.

0
Sunday June 11, 2017 - 12:31:00 in by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Uk oo Si Cilmiyaysan Uu Taageray Goankii Qadar xidhidhka loogu jaray.

    London(AFKA);Siyaasadu waa masaalix, Masalix dhaw iyo kuwo fog, marka amuuraha noocan ahi ay jiraa waa fursado Siyaasaded oo hilaad fog kaga muuqday oo loo bahanyahay inla baacrimyo oo la isku dagayo in laga ilmo dhaliyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);Siyaasadu waa masaalix, Masalix dhaw iyo kuwo fog, marka amuuraha noocan ahi ay jiraa waa fursado Siyaasaded oo hilaad fog kaga muuqday oo loo bahanyahay inla baacrimyo oo la isku dagayo in laga ilmo dhaliyo,
 iswaydiiyo Somaliland danteeda Siyaasadade ma waxay ku jirta in ay dhinac raaco iyo in dhexda is taagto. Dhinaca ay raacaysa maxaa masalix idinka dhaxaysa kuwo dhaw iyo kuwo fogba. Saamaynatu dhinca ka soo horjeeda uu kugu yeelan karo maxay tahay. Intaaso amuurood marka la rogrogo waxan u arka in ay Somaliland qaadatay mawqif Sax ah.

 

Goaan qaadasha siyaasaded oo lagu dhirada waxay wax dhidib u tahay guusha iyo xalka oo hore loo gaadho, Madaxwaynaha qaranka waa lagu yaqaanay in uu goaamo dhaxal gal ah oo u duug u ah Somaliland uu horu u qaatay oo aynu ka xusi karno Goaankii wayna ee gudda galkii 1988 ee SNMiyo goaankii 2003 ee Doorashada. Goaankan mantana waxaa uu ka mid noqon doona goamada dhaxal galka ahee muddan Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uga tagi doona Somaliland.

Danaha dhaqan dhaqale e ay la leedahay wadama Sacuudiga iyo imaaradka ayaa ka fog kana xoog wayn danaha ay Somaliland la keedahay Qadar, marka laga eego dhaqalaha aynu sucuudiga la leenahay ee xoolaha oo iminka xidhan iyo wajib xajka oo sucuudiga u yahaya farah laga galayo sucudiga iyo imardka oo isdhexgal dhaqale oo bilaw ahi imi ka inaga dhexeyo. Dhawaqan Somaliland ee ah inay la safatay dhinac ay gadhwadeenka ka yihiin Sucudiga iyo Imaradka waxay ay somaliland in uu yahay wadan hal abuur siyaasaded leh.

Goankani waxaa uu Somaliland u iba furi doona fursado siyaasadeed iyo dhaqale oo waawayn. Dawlada somaliland waxaa u taala shaqo guri oo wayn una bahan in si xeeldher shaxda loo sii ciyaaro.

Afhayeen Xisbiga Kulmiye Uk
Maxamed Cabdi Adam.