WAJAALE: Xanuunka Shuban-biyoodka Oo Soo Ritay 123 Qof, Baaqa Maamulka Degmada Iyo Wararkii U Dambeeyay.

0
Sunday June 11, 2017 - 14:28:10 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAJAALE: Xanuunka Shuban-biyoodka Oo Soo Ritay 123 Qof, Baaqa Maamulka Degmada Iyo Wararkii U Dambeeyay.

    WAJAALE: Xanuunka Shuban-biyoodka Oo Soo Ritay 123 Qof, Baaqa Maamulka Degmada Iyo Wararkii U Dambeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAJAALE: Xanuunka Shuban-biyoodka Oo Soo Ritay 123 Qof, Baaqa Maamulka Degmada Iyo Wararkii U Dambeeyay.

Cudurka Shuban-biyoodka, ayaa la sheegay inuu ka dillaacay Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Xanuunka Shuban-biyoodka ee ka dillaacay Degmada Tog-wajaale ayaa waxa si wada jir ah u shaaciyey Guddoomiyaha Degmadaasi Mr. Xaashi iyo Maamulka Cisbitaalka Magaaladaasi.

Mid ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Cisbitaalka guud ee Magaalada Wajaale oo Shirka jaraa’id ka hadlay Shalay, ayaa sheegay in Xanuunkani uu bishii labaad ee Sannadkan ku soo ritay Wajaale Dad gaadhaya 300 Boqol, laakiin xilligaa Dadkii la daweeyay isla-markaana la Xakameeyay, hasa-yeeshee Xanuunku uu mar kale ka dillaacay Degmada Wajaale 28-kii bishii Shannaad ee Sannadkan, muddadaana Cisbitaalka la jiifiyey Dad boqol ka badan, waxaanu yidhi "Xanuunkani wuxuu bishii October, 2016-kii Cisbitaalka Wajaale u soo jiifsaday 300 boqol oo Qof, Dadkaa waalla daweeyay, haddana wixii ka dambeeyay bishii labaad ee Sannadkan maynaan Arag, laakiin Xanuunkan waxaanu aragnay mar labaad (oo uu dillaacay mar kale) 28-kii bishii Shannaad, 2017-ka.”

Dhakhtarta oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay "Dadka soo galay (Cisbitaalka Wajaale) waa 111 Qof, 79 Qof oo Dadkaa ka mid ah waalla daweeyay, Shalay illaa Xalayna waxa Cisbitaalka soo galay 12 Qof (oo cusub).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan loo baahnayn in Qof Xanuunku soo ritay uu Cisbitaalka ka baxo iyadoo aanu caafimaadin isla-markaana Dadkii la socday aan la buufin, dharkoodana ay Cisitaalka gudihiisa ku maydhan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Wajaale oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Dadweynaha reer Wajaale ugu baaqay in Qofka ay ku arkaan Xanuunkan aanay ku soo qaadin gaadhi Caadi ah, ee ay Cisbitaalka la soo xidhiidhaan, si buu yidhi Gaadhiga Gurmadka deg-degga ah loogu soo qaado, maaddaama oo Gaadiidku ka mid yihiin buu yidhi Waxyaabaha Xanuunku ku faafayo.

Xanuunkan, ayaa hore uga dillaacay Magaalada Burco iyo deegaannada ku xeeran, waxaanu halkaa ku dilay Dad gaadhaya 35 Qof, kuwaasi oo qaarkood Maxaabiis ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Burco.