Sherkada DP World Oo Heshiis Ay Kula Wareegayso Dekeda Baraawe La Gashay Shariif Xasan Sheekh Aadan

0
Monday June 12, 2017 - 09:23:56 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sherkada DP World Oo Heshiis Ay Kula Wareegayso Dekeda Baraawe La Gashay Shariif Xasan Sheekh Aadan

    Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulamo kula leh Madaxda Shirkadda DP World.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulamo kula leh Madaxda Shirkadda DP World.

Shirkadda DP World ayaa horay ula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Puntland iyo Somaliland ayaa hadana danaysa Dekeda Baraawe.

Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Somaliland iyo Dalkaasi Soomaaliya.

Wararka ay helayso shabakada Somalilandtoday.com ayaa sheegaaya in Madaxweyne Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ay miiska isla saareen sidii loo dhisi lahaa Dekeda Baraawe oo ku taal meel istiraatiiji ah.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la qiimeeyo Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan, waxaana la filayaa in DP World ay wafdi qiimeyn ah u soo dirto Baraawe, si ay arkaan.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligan saameyn xooggan ku yeelanaya maamul goboleedyada dalka, iyadoo xidhiidh dhaw la leh Madaxweynayaasha maamuladaas, sidoo kale waxay Imaraadku heshiisyo aan cadayn la galeen Jamhuuriyadda Somaliland kuwaas oo uu ugu danbeeyay Saldhigii Milatari oo buuq badan ka dhaliyay gudaha Waddanka Somaliland

Baraawe oo ka mid aheyd magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Soomaaliya ayaa leh marin caalami ah oo istiraatiiji u aheyd maraakiibta oo ay Transit ahaan u isticmaali jireen xilliyadii bur burka ka hor, iyadoo laheyd buundo badda iyo magaalada afkeeda isku xidha oo lagu magacaabo Jilaani, taasoo ku bur burtay dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ingiriiska iyo Talyaaaniga ku dagaalameen.