Deeq badan oo la gaarsiiyay nin moos iibiya oo la boobay
Dadka Internetka aadka u isticmaala ee dalka Indonesia ayaa u midoobay caawinta nin da' ah oo moos iibiya oo sheegay in laga boobay hal milyan oo ripiah oo u dhiganta 80 doolar.
Darawal ayaa soo qaabilay Suratman oo 94 jir ah wuxuuna waydiistay in uu gudaha u soo galo gaariga si uu mooska uga gado.
Markii uu gadaha galayse xaaladdii way is badashay oo labo nin ayaa Suratman baadhay iyaga oo ka qaatay wixii ay jeebkiisa ka heleen oo dhan, intaas ka dibna intay gaadhiga ka soo tuureen ayay ka carareen, sida uu sheegay.
Arrintani waxay ka dhacday gobolka Jambi oo ka tirsan jasiiradda Sumatra, sida uu BBC-da u sheegay Tommy Reza.
Tommy ayaa la kulmay Suratman oo aad u murugaysan markaas ayuu ka duubay muuqaal wuxuuna soo dhigay internetka, intaas wixii ka dambeeyayna dad badaan ayaa u soo hiiliyay iyagoo deeq soo gaarsiiyay.
Markii uu Reza soo dhigayay muuqaalka Suratman wuxuu ku soo ladhay qoraal uu ku sheegayo in uu qorshaynayay in uu lacagtaas ku iibsado alaab maalinta Ciidul Fidriga.
Reza markii uu muuqaalkan soo dhigay Facebook saaxiibbadiina ay isla sii wadaageen dad badan ayaa la soo xiriiray iyaga oo raba in ay caawiyaan duqa.
Markaas ayuuna billaabay in uu deeq u arruuriyo si Suratman lacagtiisii loogu magdhabo.
"Dad badan oo Jambi ku sugan iyo xitaa qaar kale oo dalka dibaddiisa jooga sida Hong Kong iyo Malaysia ayaa isoo waydiiyay meesha ay lacagtaas u marin karaan, ayuu yiri.
Dad badaan oo kalana aragtidooda ayay ka soo dhiibteen muuqaalka iyaga oo muujiyay in ay aad uga caroodeen dhacdadaas.
Calista Primalia qof la dhoho ayaa Facebook ku soo qoray "Arrintan waa mid aad u qaab daran marka dhinacyo badan laga eego.
Reza ayaa markii dambe soo dhigay sawirka isaga oo deeq gaarsiinaya qoyskii ninka da'da ah ee la dhacay.
- Gabadh maxkamad loo soo taagay in ay saaxiibkeed ku qalqaalisay in uu is dilo
- Taksiile daacad ah oo abaalmarin la siiyay
- Gabadh caddaan ah oo loo dayriyay inay nin madaw ah jeclaatay
- Lamaane isqabay 69 sano oo geeriyooday iyagoo gacmaha is haysta
- Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl
"Aad ayuu deeqda uga mahadnaqay, wuuna duceeyay. Waxaan u sheegay in aan anigu fariinta oo kali ah gudbiyay" ayuu yiri Reza.
"Dadka reer Indonesia waa dad cajiib ah. Aad ayayna ii taabatay sida ay niyadda ugu hayaan in midka midka kale uu caawiyo."
Angie Kuron, oo daawaday muuqaalka ayaa sheegay in uu ooyay sababtuna ay ahayd caddaalad darrada lagu sameeyay ninkaas.
"Ma meeshaas hoose ayuu dalkanagii dib ugu laabtay? Waxaan rajaynayaa in xukuumaddu ay sida ugu dhakhso badan u soo qabato dad qalatadaas" ayuu sii raaciyay.
Tan iyo markii dhacdadan caanka noqotay la soo dhigay Facebook, in kabadan 37 milyan oo Rupiah ayaa loo arruuriyay Suratman.
Gafarnatooraha deegaankaasina wuxuu ugu deeqay 5 milyan wuxuuna ka iibsaday dhammaan mooskii u dhimanaa ee uu gadayay.
Deeq badan oo la gaarsiiyay nin moos iibiya oo la boobay
Deeq badan oo la gaarsiiyay nin moos iibiya oo la boobay