Dawlada Wadanka Qadar Oo Samaysatay Saaxibo Gaara Iyo Dawlada Iraan Oo Diyaarado Cunta Ku Daabulaysa Wadanka Qadar

0
Wednesday June 14, 2017 - 11:30:53 in by Burco Office
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Wadanka Qadar Oo Samaysatay Saaxibo Gaara Iyo Dawlada Iraan Oo Diyaarado Cunta Ku Daabulaysa Wadanka Qadar

    Dawlada Wadanka Qadar Oo Samaysatay Saaxibo Gaara Iyo Dawlada Iraan Oo Diyaarado Cunta Ku Daabulaysa Wadanka Qadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Wadanka Qadar Oo Samaysatay Saaxibo Gaara Iyo Dawlada Iraan Oo Diyaarado Cunta Ku Daabulaysa Wadanka Qadar

Dawlada Wadanka Qadar Oo Samaysatay Saaxibo Gaara Iyo Dawlada Iraan Oo Diyaarado Cunta Ku Daabulaysa Wadanka Qadar

"Shirkadda Diyaaradaha Iran Oo Shan Diyaarradood Oo Raashin Ah Ka Dirtay Dalkeeda Iyagoo U Duulay Qadar Iyo Su’aal Layska Weydiiyey Kharashkooda

 

Dawladda Iiraan, ayaa dalka Qatar u dirtay Diyaarado sida Cunto, ka dib markii Xiisadda gedoominta ah ee ay Sucuudiga iyo Khaliijku ku soo rogeen Qadar ay saamaysay wax dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah ee Carabta. Shirkadda Diyaaradaha Qaran ee Iran, ayaa sheegtay in shan Diyaaradood oo sida Cuntooyin iyo Khudaar ay u duuleen dalka Qatar. Illaa iyo hadda lama sheegin in Cuntadaasi ay tahay gargaar ay Iran ugu deeqday iyo inay tahay Cunto ay Qadar ka iibsatay. Dawladaha Sucuudiga, Baxrayn, Masar, Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Dubai, Liibiya iyo dalal kale oo gobolkaas ku yaalla, ayaa shaaciyey inay xidhiidhka u jareen Qadar,

 

 

isla markaana ay xayireen isu-socodka Xuduudaha ay wadaagaan ee Dhulka, Badda iyo Cirkaba, ka dib markii ay ku eedeeyeen Dawladda Qadar in ay taageerto oo ay maalgeliso Ururrada Xag-jirka ah iyo kuwa Argaggixisada. Dalalka Deriska la ah Qatar, ayaa xannibaadaasi saaray, Iyagoo ku eedaynaya in ay taageerto Ururrada Jihaadiga ah, isla markaana ay Xidhiidh la leedahay Dawladda Iran oo ay Sucuudiga aad isu hayaan sannadihii u dambeeyey.

 

 

Hase-yeeshee, Dawladda Qadar oo ka jawaabtay eedaymahaas, ayaa ku doodday inaanay ahayn kuwo xaqiiqo ku dhisan, sida Wasiirka arrimaha dibedda ee Qadar Warbaahinta ka sheegay. Maraykanka iyo Dawlado kale, ayaa taageeray go’aanka badi waddamada Carabtu ku gedoomisay ee ay xidhiidhka siyaasadeed iyo isu-socodkaba ugu jareen dalka yar ee Qaniga ku ah Gaaska ee Qadar, halka ay jiraan dalal kale oo iyaguna ku baaqay in dhex-dhexaadin iyo wadahadal lagu dhammeeyo Xaajada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Soomaaliya, Jarmalka, Faransiiska, Kuwayt iyo kuwo kale, halka ay Kuwait iyo Turkigu sheegeen inay si toos ah u dhex-dhexaadinayaan Qadar iyo Xulufada Carbeed ee xidhiidhka u jaray Qadar.