Akhriso :- Maxaad Ka Taqaanaa Aduunka Inta Saac Ee La-kala Soomo + Baro Wadamada Saacadaha Ugu Badan Iyo Kuwa Saacadaha Ugu Yar Sooma.

0
Wednesday June 14, 2017 - 11:51:32 in by Burco Office
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso :- Maxaad Ka Taqaanaa Aduunka Inta Saac Ee La-kala Soomo + Baro Wadamada Saacadaha Ugu Badan Iyo Kuwa Saacadaha Ugu Yar Sooma.

    Akhriso :- Maxaad Ka Taqaanaa Aduunka Inta Saac Ee La-kala Soomo + Baro Wadamada Saacadaha Ugu Badan Iyo Kuwa Saacadaha Ugu Yar Sooma.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso :- Maxaad Ka Taqaanaa Aduunka Inta Saac Ee La-kala Soomo + Baro Wadamada Saacadaha Ugu Badan Iyo Kuwa Saacadaha Ugu Yar Sooma.
14.06.2017 Ramadaanka waa bil soon . taasi oo ilaahay "Subxaanahu Watacaalaa ku waajibiyey Adoomihiisa" inay soomaan maalmo tiro yar oo ah 30 casho. Wuxuuna ka bilaabmaa . Soonka Waqtigiisu :- inta aysan fajarka soo bixin ilaa ay ka dhacdo qoraxda. Waxaana iminka Lagu Jiraa Maalmihii 15kii danbe ee Bisha Ramadaan Dhamaan Muslimiinta Aduunka-Gaar ahaan Reer Somaliland , Waxaan leeyahay dhamaantiin " Ramadaan Kareen" .
Muslimiinta adduunyaddu markay laysu geeyo waa :- 148, 507.000 Bilyan qof. kuna nool caalamka daafihiisa kala duwan . oo ay weliba Muslimiinta ugu badan ee soomani ku nool-yihiin Qaaradda Asia . Sida dadka Indonesia
( 204,507.000 Milyan) , Pakistan (178.100.000). India (177.286.100).Bangladesh (146.600 million). Sa.udi Arebia (25,463,000) Waxaana ku soo xiga Qaaradda Afrika oo malaayiin muslimiin kale ku nool-yihin.Sida Masar (80.024.100). Sudan (30.805.000). Ethiopia (28.711.000). Morooco (32.382.000).
Marka aynu dib ugu noqono Sida ay Adduunka Dhan iyo Saacadaha Laga Sooman yahay kuwa ugu Dheeri waa 22 Sacadood . Wadamada ugu hoseeya Dunida Waqtiga soonka . Waa 11 sacadood Sida Caadiga Ah.
TV-ga caalamiga ee Aljazeera ayaa isagu eegay qaabka wadamadda ay u kala gedisan yihiin Iyo waqtiyadda Laga Sooman yahayba . Halka Ugu Hoosaysa Ama halka Ugu Saraysaba , Iyadoona Ramadaanta Tahay Mid ka mid Ah Shanta Tiir ee islaamka uu leeyahay.
Waxa Soonka Bilaabmaa xiliga fajarka. Waxaana uu Dhamaadda Qorax Dhaca oo Dhamaystiran ama la Hubo, Maalinkasta waxa Inta Badan Ku darsama Saacadaha Soonka Minute-yo yar Yar Sida Caadiga Taasi oo laga Yaabo Inuu Bedasho wakhtiga La Soomi Jirey Markii Hore.
Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool wadamada dhaca Waqooyiga America ayaa iyagu soomaaya 16 saacadood xidhiidh ah, Waxaana wadamadaasi ka mid ah Mexico, Mareykanka iyo Canada.
Arrintaasi mid ka duwan ayaa waxay ka jirtaa Wadamadda Qaaradda Yurub oo muslimiintu ay soomayaan wax ka badan 21 saacadood xidhiidh ah sida wadamada Iskandaneviyanka oo ka mid yihiin Finland, Norway,Denmark iyo Swedan muslimiintaasi waxay Af-Haysanayaan 19 illaa 21 saac Jazeeradda Iceland iyana waxay muslimiintu soomayaan 21 saacodood.
Sidoo kale Malaayiin qof muslimiin ah oo ku nool wadanka Ruushka ayaa sanadkan soomaaya maalin walba 20 saacadood xidhiidh ah.
Ugu dambeyn muslimiinta ku nool wadamadda Dhacay Koonfur Bari Qaaradda Asia waxay soomayaan 14 saacadood illaa 16- saacadood waxaana wadamadaas ka mid ah wadanka Indonesia oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso saacadaha laga soomo Wadamada Islaamka
1. Greenland: 21 Saacadood oo Soon Ah, Laga Bilaabo. 2:16 Am Ilaa 11:14 Pm.
2. Norway: 20 Saacadood, Ka Bilaabanta 2:24 Am Ilaa 10:15 Pm.
3. Finland: 20 Saacadood, ka Bilaabanta 2:26 Am Ilaa 10:24 Pm.
4. Sweden: 19,5 Sacadood, Ka Bilaabanta 1:57Am Ilaa 9:39 Pm.
5. Russia: 19 Saacadood, Ka Bilaabanta 1:49 Am Ilaa 8:56pm
6. Denmark: 19 saacadood,Ka Bilaabanta 2:29 Am Ilaa 9:36 Pm.
7. Germany: 19 Saacadood, Ka Bilaabanta 2:41Am Ilaa 9:34 Pm.
8. Canada: 18,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:05 Am Ilaa 9:39 Pm.
9. Poland: 18,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 2:03 Am Ilaa 8:42 Pm
10. United Kingdom : 18,5 Saacadood,Ka Bilaabanta 2:29 Am Ilaa 9:03 Pm.
11. Kazakhstan: 18,5 Saacadood,Ka Bilaabanta 2:43 Am Ilaa 9:15 Am
12. Belgium: 18,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:12 Pm Ilaa 9:41Pm
13. Switzerland: 18 Saacadood, ka Bilaabanta 2:58 Am Ilaa 9:10 Pm.
14. France: 18 Saacadood,Ka Bilaabanta 3:23Am Ilaa 9:41Pm.
15. Romania: 17,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:19Am Ilaa 8:50Pm
16. Italy: 17 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:36 Am Ilaa 8:35 Pm.
17. Madrid, Spain: 16,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 4:51 Am Ilaa 9:36 Pm.
18. Portugal: 16,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 4:22am Ilaa 8:53pm
19. Greece: 16,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 4:15am Ilaa 8:40pm
20. China: 16,5 Saacadood,Ka Bilaabanta 2:55am Ilaa 7:33pm.
21. United of States : 16,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:54am Ilaa 8:17pm
22. North Korea: 16,5 Saacadood, Ka Bilaabanta 2:51am Ilaa 7:24pm
23. Turkey: 16,5 Saacdood, Ka Bilaabanta 3:27am Ilaa 8:09pm
24. Japan: 16 saacadood,Ka Bilaabanta 2:44am Ilaa 6:49pm
25. Afghanistan: 16 Saacadood,Ka Bilaabanta 3:02am Ilaa 6:58pm
26. Morocco: 16 Saacadood,Ka Bilaabanta 3:38am Ilaa 7:31pm
27. Pakistan: 16 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:20am Ilaa 7:11pm
28. Iran: 16 Saacadood, Kana Bilaabanta 4:06am Ilaa 8:13pm
29. Iraq: 16 Saacadood, Ka Bilaabanta 3:16am Ilaa 7:05pm
30. Lebanon: 16 Saacdood, Ka Bilaabanta 3:49am Ilaa 7:42pm
31. Syria: 16 Saacadood,Ka Bilaabanta 3:31am Ilaa 7:41pm
32. Afghanistan: 16 hours, from 3:02am to 6:58pm
33. Morocco: 16 hours, from 3:38am to 7:31pm
34. Pakistan: 16 hours, from 3:20am to 7:11pm
35. Egypt: 15,5 hours, from 3:13am to 6:49pm
36. Israel: 15,5 hours, from 3:59am to 7:38pm
37. Kuwait: 15,5 hours, from 3:17am to 6:42pm
38. Palestine: 15,5 hours, from 4:03am to 7:40pm
39. India: 15 hours, from 3:54am to 7:12pm
40. Hong Kong: 15 hours, from 4:16am to 7:01pm
41. Bangladesh: 15 hours, from 3:47am to 6:40pm
42. Oman: 15 hours, from 3:52am to 6:47pm
43. Saudi Arabia: 15 hours, from 3:36am to 6:36pm
44. Qatar: 15 hours, from 3:15am to 6:18pm
45. UAE: 15 hours, from 4:02am to 7:04pm
46. Sudan: 14,5 hours, from 4:52am to 7:16pm
47. Yemen: 14 hours, from 4:13am to 6:22pm
48. Ethiopia: 14 hours, from 4:35am to 6:28pm
49. Sri Lanka: 14 hours, from 4:38am to 6:23pm
50. Thailand: 14 hours, from 4:32am to 6:42pm
51. Malaysia: 13,5 hours, from 5:39am to 7:19pm
52. Singapore: 13,5 hours, from 5:43am to 7:08pm
53. Angola: 13 hours, from 5:01am to 5:54pm
54. Brazil: 13 hours, from 4:19am to 5:11pm
55. Indonesia: 13 hours, from 4:34am to 5:44pm
56. Kenya: 13 hours, 5:15am to 6:32pm
57. Zimbabwe: 12,5 hours, from 5:02am to 5:28pm
58. South Africa: 12 hours, from 5:23am to 5:26pm
59. New Zealand: 11,5 hours, from 5:52am to 5:14pm
60. Argentina: 11,5 hours, from 7:01am to 6:38pm
61. South Africa: 11,5 hours, from 6:12am to 5:47pm
62. Australia: 11,5 hours, from 5:31am to 5:02pm
63. Chile: 10 hours, from 6:34am to 4:41pm
 
Ugu Danbeyn. Soonka ayaa ah Bil timaadda sanadkii halmar oo keliya. isla-markaana in loo dulqaato ay tahay gaar ahaan dadka ku nool wadamadda heer kulkooda uu aad u daran-yahay iyo wadamadda saacadaha badan laga soomo ramadaanka . waxaana aan odhan-karaa waa fursad qaali ah ee sanadkii soo marta qofka muslimka ayna tahay in uu ka faa.ideysto Kheyrkeedda iyo Ajarkeeda intaba qofkii dayacaana waxaa ku dhacay khasaaro iyo Quumameyn. Waxaana Suurta-gal ah. in uusan gaadhin Bisha kale .waayo ma ogga qofka xiligga uu dhiman doono.
Wixii aan saxay Ilaahay baa mahadeeda iska leh , waxii aan Khalday am aan ka tegay shaydaan baa iska leh.
Waa bilaahi Towfiiq .
 
Adan Yusuf Elmi
Dublin/Ierland