Baarlamanka Masar oo ansixiyey in jasiirado Badda Cas ku yaal lagu wareejinaysa Sucuudiga

0
Thursday June 15, 2017 - 09:41:14 in by Burco Office
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamanka Masar oo ansixiyey in jasiirado Badda Cas ku yaal lagu wareejinaysa Sucuudiga

    Baarlamanka Masar oo ansixiyey in jasiirado Badda Cas ku yaal lagu wareejinaysa Sucuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamanka Masar oo ansixiyey in jasiirado Badda Cas ku yaal lagu wareejinaysa Sucuudiga

Baarlamaanka Masar ayaa ansixiyey qorshe muran badan dhaliyey oo lahaanshaha laba jasiiradood oo aan cidiba ku noolayn lagu wareejinayey Sucuudiga.

Heshiiskan lahaanshaha jasiiradahan ku yaal Badda Cas oo la kala yidhaa Tiiraan iyo Sanaafiir, ayaa la gaadhay mar uu bishii Abriil 2016-kii Boqor Salmaan-ka Sucuudigu booqasho ku tagay Masar.

Heshiiskaasi wuxu Masar ka dhaliyey mudaharaado lama filaan ah oo lagaga soo horjeedo madaxweynaha oo ay dadku ku eedeeen inuu "iibiyey" jasiiradahaa oo uu ku bedeshay gargaar Sucuudigu siiyo.

Heshiiskaas ayaa dacwado lagu diidanyahay laga furay maxkamadaha Masar oo socday sannadkii hore ooo dhan. Laakiin baarlamanku wuxu ku adkaystay in arintaas ka go'aan ka gaadhideedu tahay mid uu isagu awood u leeyahay, xeerkaa uu baarlamaanku meel mariyeyna wuxu haatan sugayaa uun in uu madaxwyne Cabdelfataax Al-Sisi ugu dambaysta saxeexo si uu u hirgalo.

Dad badan oo mudaharaadaya ayaa iskugu soo baxay xarunta ururka suxufiyiinta ee ku taal Qaahira markii go'aanka baarlamanka la shaaciyey. Dhawr qof oo ay ku jiraan weriyeyaal ayaana la xidhay.

Al-Sisi ayaa sheegay in weligood ba jasiiradahaa ay Sucuudigu lahaayeen laakiin ay sannadkii 1950-kii Sucuudigu Masar weydiisteen in ay ciidamo ilaaliya halkaa geyso.