Madaxwayne Ku Xigeenka Maraykanka Oo Qareen Uqortay Baaritaanka Ruushka

0
Friday June 16, 2017 - 10:52:29 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku Xigeenka Maraykanka Oo Qareen Uqortay Baaritaanka Ruushka

    Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa shaqaalaysiistay qareen u gaar ah oo gacan ka siin doona jawaabaha uu ka bixin doono baaritaannada ku aadan macquulnimada in uu xiriir dhexmaray ol'olihii madaxweyne Trump iyo Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa shaqaalaysiistay qareen u gaar ah oo gacan ka siin doona jawaabaha uu ka bixin doono baaritaannada ku aadan macquulnimada in uu xiriir dhexmaray ol'olihii madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Richard Cullen ayaa lagu yaqaannaa in uu horay u matalay macaamiil magac leh.

Xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa ku dhawaaqay magacaabidda Cullen Khamiistii, wuxuuna sheegay in madaxweyne ku xigeenku uu waraysi la yeeshay dad dhawr ah oo shaqadaas u tartamay.

"Madaxweynuhu wuxuu si buuxda diiradda u saarayaa shaqadiisa iyo hirgalinta hadafyada madaxweynaha, wuxuuna sugayaa in hawshan si khaso ah loo soo afjari doono," sida uu sheegay afhayeenka Pence, Jarrod Agen.

Goor sii horaysayna warbaahinta Maraykanka ayaa tabisay in Robert Mueller oo ah dacwad ooge khaas ah uu baarayo macquulnimada in madaxweyne Trump uu hor istaagay caddaaladda.

Mueller ayaa hogaaminaya baaritaanka ay waddo hay'adda dabibaarista Maraykanka ee FBI ee ku aadan in Ruushku uu farogaliyay doorashadii madaxweynenimada dalka Maraykanka ee sannadkii 2016kii.

Warbaahinta Maraykanku waxay sheegayaan in saraakiil sare oo sirdoonka ka tirsan la waydiin doono in Trump uu isku dayay in la soo afjaro baaritaankii lagu hayay lataliyihiisii ammaanka qaranka Michael Flynn oo shaqada laga eryay iyo shaqo ka cayrintii madixii hore ee hay'adda sirdoonka Maraykanka ee FBI James Comey.

Trump ayaa ku celceliya in aysan wax wada shaqayn ah dhex marin isaga iyo Ruushka.


Xigasho/BBC Somali