Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Garyaqaanka Guud Ee Qaranka

0
Friday June 16, 2017 - 10:55:59 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Garyaqaanka Guud Ee Qaranka

    Hargeysa(AFKA);Garyaqan guud na waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Garyaqan guud na waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso

Waxaanu jawab kooba ka bixinayna warsaxafadeedkii uu soo saaray Garyaqaanka guud e Qaraenaku 1262017 kaasi oo ay warbaahintu sii daysay warsaxafadedkaasi oo uu garyaqaanka guud ku caddeeyey inaanay jirin guddi culimo oo uu madaxwaynuhu magacaabay balse uu madaxwaynuhu magacaaabay guddidi soo xulaysay guddida culimadasi oo ka kooban 4 xubnood laba guurtida ah iyo laba xukumada ah.


Guddomiyaha ururka qarenada Somaliland isaga oo ka jawaabaya waxa uu yidhi sidan

Horta magacaabitanka guddida culimada waxa lagu baahiyey warbaahinta madaxbaanan dadkoo dhamina way akhristen waxa kale oo lagu baahiyey bage face booga e afhayeenka madaxtooyada waxaana warbahintu soo qortay xubnaha guddida culimada oo ka kooban


12 xubnood oo magaca agaasimihoodii wata, qaar ka mid ah guddida culimada e la magacaabay baa BBC da la xidhiidhay oo sheegay inay iska casileen waxaanay ahayd arin ay si cad warbaahintu u baahisay 1062017

 

 

Warkaasi anaga warbaaahinta ayaa noo soo gudbisay warbaahintuna waxay ka mid tahay meelaha ay dadwaynuhu ka helaan warka , haddaba haddii aanay jirin magacaabista guddidu waxay ahayd inay beeniyaan oo ay yidhaahdan ma jirto wax aanu magacownay manay beenin waxa kale oo warbaahinta ka hadlay una xaqiijiyey magacaabida guddida wasiirka diinta iyo awqaafta, aniguna waxaanu kaliya tilmaanay sharciyada loo marayo magacaabida guddida culimada oo khilaafsanayd dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Arinta kale e uu sheegay garyaqaanka guud e ah in madaxwaynuhu magacaabay guddidii soo xulaysay guddida culimada waa arin iyana qayra dastuuri ah sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod.119 e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland guddida soo xulaysa guddida culimada waxa soo magacaabaya xukumada iyo golaha guurtida xubnaha ka imanaya golaha guurtida waxa soo xulaya golaha golaha guurtida waxaana lagu soo xulaya fadhi gole oo golaha guurtida ayaa ka fadhiisanaya xataa shirgudoonku ma soo xuli karo waayoQod 119e dastuurku wuxu sheegaya gole erayga golena waa layaqaan sharci ahaan waxa uu yahay waxaana lagu magcaabaya fadhi gole laakiin xaq uma laha madaxwaynuhu inuu magacaabo guddida e waxa kaliya oo uu soo magacaabaya xubnaha ka socda dhinaca xukumada e golaha wasiirada waxaanu qodob u dhiganyahay sidan

QODOBKA 119

Magacaabista Xubnaha Gudida Culimada

1- Xubnaha guddida culimad waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabida Guddida culimada waxa ka horeeya in la sameeyo xeerkii lagu maamulayey guddi culimada sida ay tilmaamayan Qodobada 12,122 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa sharci ah in hayad kasta oo dastuuri ah lagu aas-aaso xeer oo ka hor inta aan la magacaabin xubnaha xeerkoodii la sameeyo waana qayra sharci in la magacaabo iyada oo aan la samayn xeerkii lagu maamulayey Guddida Culimada .

Garyaqan guud na waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso e maaha in lagu yidhaa difaac wax qayra dastuuri ah oo aan marka hore lagaala tashan.

Ugu danbayn waxaan leenahay anagu madaxwaynaha wax aan jirin kamaanu sheegin mana jeclin inaanu dheecayno waayo wuxu huwanyahay madaxwaynuhu sharaftii iyo karaamadii ummada reer Somaliland balse kaliya waxaanu tilmaamayna uun sifa sharciga ah in la dabaqo waayo ceebay nagu tahay in dastuurka la ixtiraami waayo oo aan la dabaqin markastana waxaanu urur ahaan u taaganahay dabaqaad iyo saraynta sharciga.

Xukuumadana waxaanu ku waaninayna inay ixtiraamto sharciga oo ay dastuurka qaranka dabaqdo iyada oo ay jiraan khaladaadyo badan oo qayra dastuuri ah oo ay xukumadu qaaday sannadkii u danbeeyey e 2016 ka.

 

 

ALLah Mahad Leh

Mohamed Mohamoud Hashi

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland