Culimada Ahlu-suna Waljamaaca Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiir Khaliil Ku Eedeeyay Inay Dalka Gelinayaan Khilaaf Diimeed.

0
Friday June 16, 2017 - 13:14:46 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Ahlu-suna Waljamaaca Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiir Khaliil Ku Eedeeyay Inay Dalka Gelinayaan Khilaaf Diimeed.

    Hargeysa(AFKA);Culimada Ahlu-suna Waljameeca ee Somaliland ayaa waxaa ay kulan ballaadhan oo ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa ku Daadifeeyeen isla markaana ay ka hor-yimaadeen 12-kii xubnood ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Culimada Ahlu-suna Waljameeca ee Somaliland ayaa waxaa ay kulan ballaadhan oo ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa ku Daadifeeyeen isla markaana ay ka hor-yimaadeen 12-kii xubnood ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u Magacaabay guddida golaha Culimada.

"Waxa aan leeyahay Madaxweyne Siilaanyo haddii aad magacaabaysid guddi wadaado ah oo diinta xukuma maxaad toddobadii sannadood ee hore ee aad joogtay u magacaabi weyday haddii ay wanaagsan yihiin ma mar aad iminka ka tagaysay ayaad carqalad u dhigaysaa kuwa kaa danbeeya” ayuu yidhi wadaad ka tirsan Culimada Ahlu-suna Waljameeca oo madasha ka hadlay.

"Waxa aan ka hadlayaa oo ay culimadu aad uga xishoodeen wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil oo arrintan isagu dabada ka soo riixaya waxa aan leeyahay wasiir waa guddigii shanaad ee intii aad xilka haysay aad magacowdo dhamaantoodna haddii ay tahay guddigii caddaalada, haddii ay tahay guddigii sakawaadka, haddii ay tahay guddigii abaaraha, dhamaan Wahaabiya ayaad ka saftay culimadii Ehli duruqa ayadna isku muuqate, maanta waxa ay kuu yaqanaa islaantii boqolka hilib salada loogu riday ee lagu yidhi Haweenka u qaybi ee kay soo saartaba iyadu tidhi waa kaygii kani ee iyadu is ag dhigtay ayay kuu yaqaanaan culimada Ehlu duruqa ahi” ayuu yidhi wadaad kale oo ka mid ahaa culimadii ka hadashay madashu
Sidoo kale Culimada Ahlusuna Waljameeca ee Somaliland waxay soo saareen bayaan ka kooban 5 qodob oo ay kaga hadlayaan 12-ka xubnood ee loo magacaabey guddida golaha culimada dalka.
Waxaana qodobadaasi ay u dhignayeen sidan:
1. In aaney guddidaasi waafaqsaneen dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland tiro ahaan iyo shuruud ahaanba.
2. In aan guddidaas lagu qeybin si caddaalad ah oo siman balse ay yahiin koox kaliya.
3. In ay guddidaas ka mid yahiin rag xanbaarsan fikiradaha xag jirka ah.
4.In aaney matali karin mad-habdkii iyo caqiidadii dalkani lahaa.
5.In aany magacaabidoodu ku habooneen wakhti xaadirkan kala guurka lagu jiro.