Qatar Oo La Baxday Ciidamo Dhex Dhexaadin Ka Waday Xadka Jabuuti Iyo Ereteriya Iyo Wasiirka Khaariga Jabuuti Oo Ka Hadlay

0
Friday June 16, 2017 - 14:17:29 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar Oo La Baxday Ciidamo Dhex Dhexaadin Ka Waday Xadka Jabuuti Iyo Ereteriya Iyo Wasiirka Khaariga Jabuuti Oo Ka Hadlay

    Djabuuti(AFKA):-Ciidamadii nabad ilaalinta u joogay xuduuda wadadmada Erateriya iyo Jabuuti ee ka soo jeeday dalka Qatar ayaa guud ahaanba iskaga baxay xuduuda labadaas wadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djabuuti(AFKA):-Ciidamadii nabad ilaalinta u joogay xuduuda wadadmada Erateriya iyo Jabuuti ee ka soo jeeday dalka Qatar ayaa guud ahaanba iskaga baxay xuduuda labadaas wadan.

Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa,id qabtay ayaa ka waramay saamaynta ka dhalatay markii ay ciidamada Qatar baxeen, waxaanu yidhi ""Markii ay dhibaatadu ka dhex dhacday dalalka Khaliijka dawlada Qatar ayaa go,aansatay inay ka baxdo dhex dhexaadintii ay kaCiidamada oo tiradoodu dhamayd 450 askari oo u dhashay dalka Qatar ayaa ka baxay xuduuda u dhaxaysa dalalka Erateriya iyo Jabuuti ka dib markii ay dalkooda soo foodsaartay xaalad dublamaasiyadeed.



waday Jabuuti Iyo Ereteriya waxaanay qaadatay ciidamadii nabad ilaalinta u joogay xuduuda, wararka na soo gaadhayaa waxay sheegayaan in ciidamada Erateriya ay ku noqdeen halkii, waxaana hore u jiray go,aan ay qaramada midoobay qaadatay sanadkii 2009-kii kaas oo sheegaya in ciidamada labada dal ee jabuuti iyo Eretria ay ka durkaan meesha lagu muran yahay ilaa xal loo helayo xadka la jeexayo.’”

 

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Hadii ay Ereteriya ay meel kaga dhacday go,ankaas kolay aduun weynaha iyo mujtamaha dawliga ah ayey u taala qaraarka ay ka qaadan doonaan Eretria.”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dawlada jabuuti diyaar u tahay xal kasta oo lagu dhamayn karo muranka u dhaxeeya Ereteriya "Anagu hadaanu jabuuti nahay haday dhinac milatari tahay waanu gaynayn ciidamadayadii Dumeera,haddii la odhanayo dublamaasiyad wax halagu dhameeyo, agaasimaha guud ee qaramada dhambaal ayaanu u dirnay, waxa kale oo aanu dhambaal u dirnay xoghayaha guud ee ururka Afrika iyo dalalka carabta, Jabuutina waligiiba dal nabad doon ah ayuu ahaan jiray kolkaa xalka dublamaasiga iyo siyaasiga ayaanu horaysiinay, haddii ay Ereteriya ku adkaysato xalka milatari jabuuti diyaar ayey u tahay, ciidamadayadiina way joogaan dumeera.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay dalka ay u arkaan inuu badalo karo doorkii Qatar ee dhex dhexaadinta labada dal waxaanu yidhi "Dalka badalaya ciidamadii Qatar waxa dooranaya qaramada midoobay hadana waxa loo baahan yahay in labada dale e Jabuuti iyo Eretria inay raali ka noqdaan cida dhex dhexaadinaysa, haddii sucuudigu imanayo waxba kama qabno laakiin dalal kale oo qaban karaana way jiraan.”