Dibad-baxayaal Ku Baaqay Inay Is Casisho Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May

0
Saturday June 17, 2017 - 11:32:12 in by
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad-baxayaal Ku Baaqay Inay Is Casisho Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May

    London(AFKA);Boqolaa qof oo dibad baxaya oo ka cadhaysan jawaabta dawladdu ka bixisay gurigii gubtay ee ku yaalay London, waxaanay socod ku tageen xafiiska ra'isal wasaare, Theresa May, iyagoo dalbanaya in ay is casisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);Boqolaa qof oo dibad baxaya oo ka cadhaysan jawaabta dawladdu ka bixisay gurigii gubtay ee ku yaalay London, waxaanay socod ku tageen xafiiska ra'isal wasaare, Theresa May, iyagoo dalbanaya in ay is casisho.

Dadka isku soo baxay oo la maqlayey iyagoo ku dhawaaqaya "ha loo caddaalad falo Grenfell” iyo "may ha tagto” ayaa boolisku hakiyeen intii aanay gaadhin xarunta BBC-da oo ku taal badhtamaha London, markii la joojiyeyna waxay halkaa ku aamuseen qaddar daqiiqad ah oo ay ku xusayeen dadkii ku dhintay gurigii gubtay.

May ayaa sheegay sheegtay in loo qoondaynayo in ka badan lix milyan oo Dollar oo dadkii wax yeeloobay loo siinayo cunto, dhar iyo agab kaleba.

Tirada dadka ku dhintay dabkaas ee la xaqiijiyey ayaa gaadhay soddon qof, waxaana weli la la’yahay tobanaan kale.

Theresa May arrimaha kale ee lagu dhaliilay waxa ka mid ah in aanay si dhakhso ah u booqan dadkii ka badbaaday dabka, oo aanay yeelin sidii ay yeeleen hogaamiyaha xisbiga Labour-ka Jeremy Corbyn iyo duqa London Sadiq Khan.