USS Fitzgerald Baadi goob loogu jiro badmaaxayaal Maraykan ah

0
Sunday June 18, 2017 - 09:53:19 in by Burco Office
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    USS Fitzgerald Baadi goob loogu jiro badmaaxayaal Maraykan ah

    USS Fitzgerald Baadi goob loogu jiro badmaaxayaal Maraykan ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

USS Fitzgerald Baadi goob loogu jiro badmaaxayaal Maraykan ah

Waxaa baadi goob ballaaran loogu jiraa sidii noolal ama geeri loogu heli lahaa 7 badmaax oo Maraykanka ah, kuwaasoo la waayay ka dib markii uu markabkooda dagaalka ku dhacay mid xamuul ah meel ka baxsan xeebta Japan.

Doonyaha iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin Japan iyo Maraykanka ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalkaasi baadi goobka ah.

Sidoo kale waxaa socda baritaan lagu ogaanayo waxa sababay in markabka dagaalka ee USS Fitzgerald uu ku dhaco markab xamuul ah oo ka diiwaangashan Philippine, saacadihii hore ee Sabtida.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 104 kilo mitir koonfur galbeed ka xigta magaalada dekadda leh ee Yokosuka ee dalka Japan.

Markabka dagaalka ayaa dhinac dhan ka burburay, waxaana markii dambe uu si tartiib ah kusoo gaaray dekadda Yokosuka, asagoo gacan ka helaya doonyo uu leeyahay Maraykanka.

Goobta ay maraakiibtu isugu dhaceen ayaa ah meel saxmad badan, oo ay maraan maraakiibta iyo doonyaha u socda ama ka imanaya gacanta Tokyo.

Haseyeeshee USS Fitzgerald ayaa ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu casrisan caalamka, waxaana la isweydiinayaa sababta keentay in uu ka weecan waayo markab xamuul oo ka horyimid habeen ay baddu degan tahay.