Askari Afghanistan ah oo weerarray ciidamo shisheeye

0
Sunday June 18, 2017 - 10:00:50 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Afghanistan ah oo weerarray ciidamo shisheeye

    Askari Afghanistan ah oo weerarray ciidamo shisheeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari Afghanistan ah oo weerarray ciidamo shisheeye

Askari ka tirsan ciidamada Afghanistan ayaa weerarray ciidamo shisheeye oo ku sugnaa saldhig milateri, waxaana uu halkaa ku dhaawacay tiro askar Maraykan ah.

Weerarka ayaa ka dhacay saldhig ku yaalla waqooyiga Afghanistan oo lagu magacaabo Camp Shaheen, sida uu BBC-da u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada.

Haseyeeshee, afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee ku yaalla caasimadda Kabul, ayaa beeniyay warar hore oo sheegaya in askar Maraykan ah lagu laayay weerarkaasi.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya todobaad ka dib markii uu askari ka tirsan kumaandooska Afghanistan toogasho ku dilay 3 ka mid ah askarta Maraykanka ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaasoo ku sugnaa bariga dalkaasi.

Ururka Taliban ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarkaasi.

Ururkaasi ayaa sidoo kale sheegay inuu mas'uul ka ahaa weerarkii bishii April lagu qaaday saldhig ku yaalla Mazar-ash Sharif, halkaasoo lagu laayay in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan.