Masaari lagu xukumay dil
Masaari lagu xukumay dil
Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa soo jeedisay in xukun dil ah lagu xukumo sodon qof oo lagu edeeyay in ay ku lug lahayeen dilka dacwad oogihii dalka Masar.
Dacwad ooge Hisham Barakat ayaa geeriyooday ka dib markii qarax lala eegtay baabuurkiisa, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa sarkaal kii ugu daraja sareeyay ee ay dilaan maleeshiyaad muddooyinkii dambe.
Mr Barakat ayaa intii aan la dilin kahor, waxaa uu gacanta ku hayay kiisaska kumanaan qof oo katirsanaan ururka ikhwaanul muslimiin oo uu hogaaminayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Masar, Maxamed Mursi.
Cullimada ugu sareysa dhanka diinta Islaamka ee dalka Masar ayaana go'aanka kama dambeysta ka gaari doona xukunka dilka ah ee lagu xukumay dadkani.
Masaari lagu xukumay dil
Masaari lagu xukumay dil