Sacuudiga oo shuruud ku xiray la heshiinta dalka Qadar

0
Sunday June 18, 2017 - 10:12:46 in by Burco Office
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo shuruud ku xiray la heshiinta dalka Qadar

    Sacuudiga oo shuruud ku xiray la heshiinta dalka Qadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga oo shuruud ku xiray la heshiinta dalka Qadar

Dowlada Sacuudiga ayaa markale ku edeesay dalka Qadar inay taageerto argagixisada, sidoo kalena ay faragelin ku sameyso arrimaha wadamada kale.

Mar uu la hadlayay BBC-da ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir, waxaa uu sheegay in dalkiisa uu san wax heshiis ah la geli doonin dalka Qadar ilaa iyo inta ay ka bedelayaan siyaasadooda.

Dowladaha Masar, Baxreyn iyo dalka Imaraatka ayaa iyaguna horay u sheegay inay xiriirka u jareen dalka Qadar, kaddib markii ay ku eedeyeen in dalkaasi uu taageero argagixisada, balse dowlada Qadar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in xayiraadaha lagu soo rogay dalkeeda uu xadgudub ku yahay qawaaniinta caalamiga.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar.

Sidoo kale dalka Iran ayaa dalka Qadar u diray diyaarado sida cunno.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qadar.