Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

0
Monday June 19, 2017 - 11:02:00 in by Burco Office
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

    Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaadhi ladulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Nin 48 jir ah ayaa loo xiray shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

Laamaha ammaanka ayaa la soo dhoobay goobta ay arrintani ka dhacdayLahaanshaha sawirkaPA
Image captionLaamaha ammaanka ayaa la soo dhoobay goobta ay arrintani ka dhacday