Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wadamadka Sucudiga Iyo Xukuumada Farmaajo Iyo Waxyabaha Sababay Khilaafkan

0
Monday June 19, 2017 - 16:01:09 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wadamadka Sucudiga Iyo Xukuumada Farmaajo Iyo Waxyabaha Sababay Khilaafkan

    Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wadamadka Sucudiga Iyo Xukuumada Farmaajo Iyo Waxyabaha Sababay Khilaafkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wadamadka Sucudiga Iyo Xukuumada Farmaajo Iyo Waxyabaha Sababay Khilaafkan

Warar soo baxaya oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in dowaldda Sacuudiga ay ka weecisay dhaqaalo ay horay ugu balaan qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed cabdullaahi(Farmaajo)


Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salaan Bin Cabdul Casiis ayaa la sheegay in uu wareejinta dhaqaalaha Dhinaca Somaliland uu u weeciyay ayaa lala xidhiidhanayaa go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhexdhexaadka ka ahaa khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka,


 

 

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in lacagtaan oo dhan 50 milyan uu horay u amray in la siiyo Soomaaliya Boqor Salmaan balse hada uu markale shaaciyay in la siiyo Jamhuuriyada Somaliland .


Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dowladda Sacuudiga ay dib ula laabatay qorshooyin Mashaariic horumarineed looga fulin lahaa dalka Soomaaliya taas oo Soomaaliya horay u balan qaaday sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga.


Sikastaba ha ahaatee dowladda Somaliland ayaa qaadatay Go,aan si wayn wax uga taray cilaaqaadka Diblumaasiyeed ee ka dhaxeeya somaliland iyo dowladaha Carabta, waxaana xulafada uu hogaaminaayo sucuudigu ay baratan ugu jiraan sidii ay u maalgashan lahaayeen jamhuuriyada somaliland.