Dawladda Qadar Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Wadahadalo La Gasho Dalalka Khaliijka

0
Tuesday June 20, 2017 - 10:42:43 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Qadar Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Wadahadalo La Gasho Dalalka Khaliijka

    Dawladda Qadar ayaa sheegtay in aysan wax waanwaan ah la geleynin wadamada ku soo rogay xayiraada illaa ay dib ugaga laabanayaan xayiraadaha dhinaca dhulka, badda iyo cirka ay ku soo rogeen wadankiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Qadar ayaa sheegtay in aysan wax waanwaan ah la geleynin wadamada ku soo rogay xayiraada illaa ay dib ugaga laabanayaan xayiraadaha dhinaca dhulka, badda iyo cirka ay ku soo rogeen wadankiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Qadar Sheekh Mohameed bin Abdulrahman Al Thani oo kula hadlayay warbaahinta magaalada Doxa ayaa yidhi "Qadar xayiraad ayaa saran, ma jiro wax wadahadal ah,waa inay marka hore qaadaan xayiraadaha si wadahadalo u bilowdaan.”

"Majiro illaa iyo hadda wax horumar ah oo dhinaca qaadida xayiraadaha taasoo aan hore shuruudaas ugu xirnay in arrimaha hore loogu wado.”ayuu sii raaciyay.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Qadar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha Taleefishinka Aljazeera waxana u usheegay in uusan jirin cid soo faro gelin kara arrimaha gudaha ee dalka Qadar,isagoo sii raaciyay inaysan wax waanwaan ah ka geleynin arrimaha gudaha ee dalkiisa.

Boqorka dalka Kuwait oo ah qofka kaliya ee waanwaan ka dhex wada labada dhinac ayaa sheegay inuu ka sugayo wadamada Khaliijka dalabaadkooda muhiimka ah ee ku aadan in wadahadalo lagu xalinayo khillaafka la bilaabo.

Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Qadar ayaa sheegay in haddii la sii wado xayiraada saaran dalkiisa ay ku tiirsanaan doonaan dalka Qadar oo si weyn ay isaga soo horjeedaan Boqortoyada Sacudi Carabiya.

"Iran waxayna noo fududeysay in aan hawadeeda isticmaalno waxaana aan wadaqabsi la yeelanaynaa wadan walba oo xaqiijinaya in dalka Qadar uu garab istaago.”