48 Xildhibaan Oo Shaqada Laga Eryey, Kadib Markay Seexdeen Wakhti Madaxweynahoodu Khudbad Jeedinaayey.

0
Tuesday June 20, 2017 - 11:10:07 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    48 Xildhibaan Oo Shaqada Laga Eryey, Kadib Markay Seexdeen Wakhti Madaxweynahoodu Khudbad Jeedinaayey.

    Zambia(AFKA);-Barlamaanka Sambiya (Zambia), ayaa shaqada ka hakiyey 48 xildhibaan oo Golaha Sharci-dejinta ka mid ah Salaasadii toddobaadkan, kadib markay ku dhex gameen khudbad uu madaxweynaha dalkaas jeedinayey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zambia(AFKA);-Barlamaanka Sambiya (Zambia), ayaa shaqada ka hakiyey 48 xildhibaan oo Golaha Sharci-dejinta ka mid ah Salaasadii toddobaadkan, kadib markay ku dhex gameen khudbad uu madaxweynaha dalkaas jeedinayey.

Xildhibaannadan oo dhammaantood mucaarid ah waxa ay hurdo ahaan ku muujiyeen mudaharaad si ay u dareensiiyaan Madaxweynaha in ay khudbadiisa diidan yihiin, taasina waxay sababtay in Shir-guddoonka Goluhu qaado tallaabo anshax marin ah oo ka dhan ah xubnaha xisbiga UPND (United Party for National Development), kuwaasoo lagu ciqaabay in 30 maalmood kuraastoodu bannadaan oo aanay soo shaqo gelin, xarunta golahana aanay ka soo agwareegin.

Xisbiga ay ka tirsan yihiin xubnahan oo doorashada lagaga adkaatay bishii August ee sannadkii hore, ayaa tallaaban ku tilmaamay mid dastuurka ka soo horjeeda, balse xubnahan ayaa mudaharaad hurdo ah kala hor yimi Madaxweyne Edgar Lungu oo khudbad ka jeedinaayey furitaanka shirka golaha, iyagoo sheegay in aanay u aqoonsanayn inuu hoggaamiyaha dalka yahay.

Muddo bil ah kadib, ayaa hoggaamiyaha xisbiga UPND Mr. Hakainde Hichelema iyo shan xubnood oo kale xabsigal oo taxaabay, iyagoo lagu eedeeyey khiyaamo qaran, kadib markay ka hor baydhi wayeen baabuurta gelbisa Madaxweyne Lungu.

Salaasadii toddobaadkan, ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Sambiya Mr. Patrick Matibini uu ku yidhi xubnaha mucaaridka ah, "Waxaan idinku cadaadinayaa inaad is casishaan, sababo la xidhiidha anshaxiina, haddii aanad u aqoonsanayn sharci xukuumad si sharciya lagu doortay.”

Shaqo ka hakintan waxay saamaysay 48 xildhibaan oo ka mid ah 58 xildhibaan ee xisbiga UPND ku leeyahay golaha, waxaana shaqada sii wadaaya 10 xildhibaan oo kaliya oo si fiican uga qaybgalay khudbadaas madaxweynuhu jeediyey, halka hoggaamiyaha xabsigaasna laga saaray xabsigii la geeyey, isla markaana loo gudbiyey xabsi lagu hayo maxaabiista halista ah (Maximum Security Facility).