Musharaxa Madaxwayne Xisbiga Kulmiye Oo Booqday Garoonka Tima Cadde Uu Ka Socdo Tartanka Kubada Kolayga+Sawiro

0
Tuesday June 20, 2017 - 11:13:30 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Madaxwayne Xisbiga Kulmiye Oo Booqday Garoonka Tima Cadde Uu Ka Socdo Tartanka Kubada Kolayga+Sawiro

    Hargeysa (AFKA)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga ama gacanta ee caasimadda Hargeysa caawa cawayskii, kaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (AFKA)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga ama gacanta ee caasimadda Hargeysa caawa cawayskii, kaasi oouu ka tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo agabka ciyaartoyga iyo qalabka lagu qabtayba uu bixiyey xisbigu.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE Cabdinajax Siyaad, waxa garoonka ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha Gacmaha Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), hawlwadeennada tartanka, ciyaartoyga iyo dadweyne u soo daawasho tagay garoonka.

 

 

Md. Muuse Biixi waxa uu ku sugnaa garoonka waqti ku dhaw saacad oo uu ku daawaday qayb ka mid ah ciyaar dhexmartay labada kooxood oo ka kala socday shirkadda Telesom iyo dawladda hoose ee Gabiley.
Masuuliyiinta ka socday Xidhiidhka Kubadda Gacanta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka warbixiyey tartanka ka socda Garoonka Tima-cadde oo ay sheegeen isugu jira heerka koowaad oo ay ku tartamayaan 7 naadi iyo qaybta kooxaha heerka labaad oo ay ku tartamayaan 8 kooxood, isla markaana waxay uga mahadceliyeen Guddoomiyaha iyo xisbiga KULMIYE taageerada ay ka gaysteen tartan oo isugu jirta dirayska 15 kooxood, billadaha iyo koobabka la kala qaadayo.
Madaxda ciyaaraha iyo Wasiirka Caddaladdu waxay u mahadceliyeen Guddoomiyaha xisbal-xaakimka oo ay ku sifeeyeen masuul xog-ogaal u ah dadkiisa iyo da’yarta dalkaba.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo isna hadal kooban ka jeediyey garoonka, waxa uu ku hambalyeeyey dhallinyarada, kooxaha ciyaartoyga iyo Wasaaradda Ciyaarahaba hirgelinta tartannada ciyaaraha oo uu xusay inay muhiimada wayn u leeyihiin da’yarta. Waxaannu ugu baaqay ciyaartoyga inay horumariyaan xirfadooda ciyaareed si ay heer fiican uga gaadhaan, ugana badbaadaan balwadaha dhibaatada ku haya dhallinyarada.
Guddoomiyuhu waxa isagoo ku dhiirrigelinaya dhallinyarada ciyaarta kollayga uu dhawr jeer sameeyey sharciga labada tallaabo loo yaqaanno kadibna uu kubadda ku tuuray riinka goolka ee garoonka ciyaartu ka socotay.

Image may contain: 8 people, people standing
Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: food
Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and shoes
Image may contain: 1 person, smiling, sitting and indoor
Image may contain: one or more people, people playing sports, basketball court and shoes
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 6 people, people sitting
Image may contain: 3 people
Image may contain: 4 people, people smiling
Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 7 people, people smiling
Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 2 people
Image may contain: 5 people, people smiling
Image may contain: 4 people, people standing and indoor
Image may contain: 7 people, people standing
Image may contain: 11 people, people smiling, people standing
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing
Image may contain: 8 people, people standing