MAXAA KA DANBEYSA CUNSIRINAMADDA KA SOO BUTAACAYSA SHEEKH XASAN NAAGEEYE,

0
Sunday February 23, 2014 - 09:38:43 in by London Office
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA KA DANBEYSA CUNSIRINAMADDA KA SOO BUTAACAYSA SHEEKH XASAN NAAGEEYE,

    sidaadii manta faqash ayaa wadanka ka talin laheyd. Xasan Naageeyo taarikhdana been ha ka sheegin. Xasan Naageeyow beeshan Maalmihii ugu danbeeyey waxaa masaajidka Harowo ee magaaladda Boorama ka soo ifbaxaayey hadalo cunsuriyad gamuurtey xanbaars

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sidaadii manta faqash ayaa wadanka ka talin laheyd. Xasan Naageeyo taarikhdana been ha ka sheegin. Xasan Naageeyow beeshan Maalmihii ugu danbeeyey waxaa masaajidka Harowo ee magaaladda Boorama ka soo ifbaxaayey hadalo cunsuriyad gamuurtey xanbaarsan oo uu kolba ku dhawaaqo sheikh Xasan Naageeye oo halkaa ka jeediya kudbada jimcaha.
Cheik Naageeye ayaa maalin dhow sharaxaayey sidii ururkii SNM uu usoo galey magaalooyinka Borama iyo Dila. Qadar aan idiin xasuusiyo sidii ay SNM uga hawl gashay Awdal. Intii ka horeysey 1991, wax dagaalo oo la taaban karo kama ay dhicin Awdal, marka laga reebo xeebaha oo ay Jidhif iyo Darawal dhowr jeer ku jebiyeen ciidama faqashta ah. Cidamadda faqashtu saldhig weyn ayey ku lahaayeen duleedka Dila, diyaaraddo xamuulin wey taakuleyn jireen sidaa darteen SNM umey suurta qorshaheedana kumey jirin iney Borama iyo Dila ay weeraraan iyagoo hawl galku ku


eekaa |Gabiley iyo wixii galbeed ka xiga. January 1991 ayey SNM wadanka dhamaantii gaanta usoo gashay iyadoo wax dagaal ah ka dhicin Awdal marka laga reebo magaaladda dila. Cidan jooga xeebta uu hoogaminayao Xudhuun iyo cidan jooga boon oo jeneral Tallan hormoodka ahaa markiiba weys dhiibeen, isagoo xudhuun isagu SNM si buuxda ula jaan qaadey. Magaalada Boorama wax dagaal ah kama dhicin, dadkii markii hore magaaladda wax ka qexeen iyago cabsi qaba laakin ciidan uu wato Mujaahim Cabdiraxman AwCali Faara ayaa si wanaagsan magaaladda u qabtey.

 

Xaaladda magaaladda Dila wey ka duwaneyd waayo daagaal culus ayaa ka dhacay halkaa. Ciidan beeleed ka soo jeeda Dilla ayaa iyagu diidey iney qaataan waan waanti SNM soo bandhigatey halkiina dagaal weyn ayaa ka dhacay. Waxaa halkaa ka markhaati ah Dilla waa magaaladda keli ah ee Awdal oo ay burbur soo gaadhay, burburkaa ilaa manta waxbaa ka sii muuqda.

Hadaba haan usoo noqdo sheekho Xasan |Naageeye. Horta Xasan oo isku magacaaba Daaheeye waxuu naanaysta Naageeye ugu baxday sida dumarnimadu ku jirto ee uu dhaqmey markii dagaaladii sokeeye. Xasan marki

ragii Dila dagaalamayeen oo ay calafkooda qaadayeen ayuu baxsaday isagoo

xidhteu Meel magaaladda ka baxsan ayuu istaagey isagoo siduu isaguba qirtey gariirayaa oo uu naftu ku ciyaarayso waa sida uu hadal u dhigee. Xasan Naageeye oo 45 jir ahaa 1991 waxaa wanaagsaneyd in uu wax iska caabiyo sidii raggii Dila ama sida ragga Gabiley, hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo ay ciidaamaddi faqashka ugu babac dhigeen.

Baxsashada sheikh Naageeye waxey shabahdaa tii lagu diley maamulahii magaaladda Borama oo Nageeye juffo hoose isku ahaayeen oo isagoo magaaladda ka caraaya ay xabad SNM ku dhacday.

Hadaba waxaa leeyahey Xasan Naageeye, rag waa ficil dumarna waa hadal.

sidaadii manta faqash ayaa wadanka ka talin laheyd. Xasan Naageeyo taarikhdana been ha ka sheegin. Xasan Naageeyow beeshan dhexe oo aad caayeysid waan ogtahay ninkii su soo koriyey inuu ka soo jeedo.

 

Saciid Yaasin