Dawladda Ruushka Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Diyaarad Uu Maraykanku Ka Soo Riday.

0
Wednesday June 21, 2017 - 12:23:47 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ruushka Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Diyaarad Uu Maraykanku Ka Soo Riday.

    Dowladda Ruushka ayaa si cadho leh uga jawaabtay diyaarad uu Maraykanmka ku soo riday koonfurta dalka Suuriya meel u dhow goobaha ay Maraykanku ka howgalaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ruushka ayaa si cadho leh uga jawaabtay diyaarad uu Maraykanmka ku soo riday koonfurta dalka Suuriya meel u dhow goobaha ay Maraykanku ka howgalaan.

Maraykanku waxuu sheegay in diyaaradan ay ahayd mid xasarad abuuraysay. Balse Ruushku waa uu cambaareeyey falkan isaga ah.

Kol sii horraysay wasaarada gaashaandhiga ee Maraykan ee Pentagon ayaa sheegtay in koonfurta Suuriya meel u dhaw goobta ay ka howlgalaan maraykanka iyo xoogaga ay taageeraan ay ku soo rideen diyaarad nooca drons-ka.

Maalintii Axada ayay ahayd markii diyaar dagaal oo ay leedahay dowladda Suuriya la soo riday taasi oo sababtay in Ruushka u ka caroodo talaabadaasi, waxaa uu ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda.

Ruushku waxaa kale oo uu sheegey in dhamaan uu joojinayo wadashaqayntii uu la lahaa Mareykanka ee ka hortaga shilalka hawada Suuriya, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u sheegay Maraykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida dhuleed ee Suuriya, ayna ka fogaadaan tallaabo hal dhinac ah.

Hase ahaate Maraykanka ayaa isna horey u sheegay in uu isdifaaci doono.