Weerar Ka Dhacay Xarunta Tareenada Oo Ku Taalla Magaalada Brussels.

0
Wednesday June 21, 2017 - 13:48:35 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Ka Dhacay Xarunta Tareenada Oo Ku Taalla Magaalada Brussels.

    London(AFKA);Ciidamada Amniga ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay inuu doonayey inuu qarxiyo xarunta ugu weyn ee tareenada laga raaco caasimada dalka Belguim.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);Ciidamada Amniga ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay inuu doonayey inuu qarxiyo xarunta ugu weyn ee tareenada laga raaco caasimada dalka Belguim.

Weerarkan xalay fiidnimadii dhacay ayaa ku bilowday qaraxy yar oo ka dhacay gudaha xaruntaasi ay ku sugnaayeen dad badan, inkastoo qaraxaasi yar uusan geysan khasaaro badan.

Ciidamada militariga ee illaalada ka hayey xaruntaasi ayaa kadib toogtay ninka la sheegay inuu watay boorso laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa, kaasi oo sidoo kale xirnaa wax lagu sheegay suunka qarxa. Waxaan weli la shaacin faah faahin xogta ninkaasi weerarka geystay.

Xeer illaaliyaha dowlada Belguim ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso.

Dalka Belgium ayey ciidamadiisa heegan sare ku jireen tan iyo weeraradii dalkaasi ka dhacay sanadka kahor, waxaana goobaha dadka isugu yimaado iyo xarumaha dowlada weli lagu arkayaa ciidamo badan