Markab Boqol Sanno Ka Hor Ka Qaraqmay Ciidamada Badda Ee Maraykanka Oo Imika Warkiisa La Helay

0
Wednesday June 21, 2017 - 14:04:38 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Boqol Sanno Ka Hor Ka Qaraqmay Ciidamada Badda Ee Maraykanka Oo Imika Warkiisa La Helay

    Cilmibaadhayaal muddo raadinayey Markab la waayey boqol sano ka hor oo ay lahaan jireen ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ugu dambayntii burburkiisa helay. Masuuliyiin ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmibaadhayaal muddo raadinayey Markab la waayey boqol sano ka hor oo ay lahaan jireen ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ugu dambayntii burburkiisa helay. Masuuliyiin ka tirsan

gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in markabkan dagaal uu shiraacday xilligii uu socday dagaalkii dhex maray Isbayn iyo Maraykanka, laakiin uu ku qarqoomay meel ku dhow xeebaha Kalafoorniyada Koonfureed (California) muddo hadda laga joogo boqol sanno

Markabkan hadhaagiisa ayaa marka la soo wada saaro ayaa saldhiggii uu ka tirsanaa oo ahaa magaalada San Francisco ee gobalka California waxaa loogu qaban doonaa munaasabad ballaadhan oo lagu xuso markabka iyo hawlwadeennadii saarnaa oo ay ka mid ahaayeen laba qof oo iyagu ku dhintay intii ay ku gudo jireen shaqada qaranka.

Warkan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay ayaa shabakadda wararka ee Sky News ay ku sheegtay in markabkan oo lagu magacaabi jiray McCulloch uu ku jihaysnaa gacanka Manila xilli uu dagaal adag labada dhinac u dhexeeyey.

Markabka McCulloch waxa uu degey Saddex iyo Tobankii bishii Lixaad ee sannadkii 1917-kii, waxa aanu ku degey meel Shan Kiiloomitir oo keliya dhinaca woqooyi-galbeed ka xigta xeebta badweynta Baasifigga oo lagu magacaabo Point Conception, gobalka California, laakiin markiiba lama helin burburkii markabka qaybo badan oo ka mid ah.