Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Hargaysa+Sawiro

0
Wednesday June 21, 2017 - 14:09:33 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Hargaysa+Sawiro

    Hargeysa(AFKA);Shil gaadhi oo aad u naxdin badan ayaa galabnimadii Shalay ka dhacay duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Shil gaadhi oo aad u naxdin badan ayaa galabnimadii Shalay ka dhacay duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa.

waxaana halkaa ku dhintay Alle haw naxariistee saddex qof oo kala ah darawalkii gaadhi waday iyo laba qof saarnaa, laba qof ee saarnaa mid ka mid ahina wax uu ahaa askari, halka ka labada uu ahaa arday da’ayar.

Labada gaadhi ayaa mid kamid ahi gubanayay waxaana halkaa gaadhay Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay gaadhiga weyn oo ahaa Gaadhi Shamboo sidayna Khudaar halka gaadhiga kalena uu ahaa Garande Marki ah.

Waxaa iyaguna halkaa goobjoog ka haa ciidamada ammaanka iyo ciidanka taraafikada ugu dambayna waxaa halkaa lagu qaaday maydkii ambalancka dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa.