DP World Oo Hor Istaagtay Qalab Uu Wasiirka Hawlaha Guud U Soo Dejiyey Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Nuxurka Warqad Madaxwayne Siilaanyo U Diray Maamulka Dekedda

0
Wednesday June 21, 2017 - 14:24:49 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DP World Oo Hor Istaagtay Qalab Uu Wasiirka Hawlaha Guud U Soo Dejiyey Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Nuxurka Warqad Madaxwayne Siilaanyo U Diray Maamulka Dekedda

    BerBera(AFKA);Sherkadda lagu wareejiyey maamulka dekedda Berbera ee DP World sida la sheegay hor istaagtay qalab ay la soo degaysay wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta oo loogu talo galay dhismaha wadada Ceerigaabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BerBera(AFKA);Sherkadda lagu wareejiyey maamulka dekedda Berbera ee DP World sida la sheegay hor istaagtay qalab ay la soo degaysay wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta oo loogu talo galay dhismaha wadada Ceerigaabo.

Sherkadda Ayaa Codsatay In Ay Wasaaraddu Bixiso Lacagta Loogu Adeegay Soo Dejinta Qalabka

Sida ay shabakadda Heegannews u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dekedda Berbera iyo xubno ka tirsan wasaaradda hawlaha guud, todobaadkii ina soo dhaafay ayay ay shirkadda Dp World hor istaagtay qalabkaas dhismeed oo wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland uu doonaayey in laga soo saaro dekadda Berbera, waxaana ay shirkaddu ku doodey in aan qalabkaas laga saari karin dekadda illaa ay Xukuumaddu bixiso lacagta adeegga ee cid walba laga qaado marka ay alaab la soo degayso, waxa uu taas diidey wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md.Cali Mareexaan.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in qalabkan oo dhowr maalmood ku xanibnaa dekadda Berbera markii dambe lagu soo daayey warqad codsi ah oo Madaxweynaha Somaliland oo uu qoray shirkadda Dp World, taasi oo uu ku caddeeyey in qalabkaasi yahay qalab ay dawladdu iska lee dahay isla mar ahaantaana uu ka codsanaayo in la soo fasaxo.

Arrintan ayaa caqabad ku noqon karta habsami u socodka hawlaha dawladda maadaama ay adagtahay inay hay’adaha dawladdu ay alaab kala so degaan dekedda adeeg la’aan, waxaase ay dhanka kale xoojinaysaa nidaamka xisaabtanka ee dekedda, taasoo markii hore mad-madaw badani ka soo horjeeday.