Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Ka Hadlay Heshiiska Dhexmaray Dawlada Somaliland Iyo Khaatumo

0
Wednesday June 21, 2017 - 14:27:53 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Ka Hadlay Heshiiska Dhexmaray Dawlada Somaliland Iyo Khaatumo

    Hargeysa(AFKA);Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ku bogaadiyay heshiiskii Sabtidii toddobaadkan ay wadagaleen dawladda Somaliland iyo maamulk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ku bogaadiyay heshiiskii Sabtidii toddobaadkan ay wadagaleen dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Xidhibaanku waxa kaloo uu soo dhaweeyay shirka la iclaamiyay in lagu qabto magaalada Burco 10-ka Bisha July ee fooda innagu soo haysa, waxaannu ku baaqay in shirkaasi maamulka gobolka, ka degmada iyo shacbiga reer Togdheer-ba ay u diyaargaroobaan martigelintiisa.

"Waxaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku ammaanayaa heshiiska taariikhiga ah ee uu dawladdu ay la gashay maamulka Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh. Waxaan


u arkaa in heshiiskani uu faa’iido u yahay midnimada Somaliland,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaannu intaas ku daray; "Waa Tallaabo wanaagsan oo dhinaca horumarinta iyo nabadgelyada dalka loo qaaday. Waxaanan soo dhaweynayaa shantii qoddob ee labada dhinac ay isla gaadheen. Waxa kaloo aan ammaan muddan guddiyadii wadahadalka labada dhinac oo runtii dedaal weyn sameeyay oo ahaa rag culus oo bisayl siyaasadeed leh.”

 

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay reer Togdheer inay u diyaargaroobaan shirka lagu wado in Somaliland iyo Khaatumo ku yeeshaan Burco bisha July, waxaannu yidhi; "Waxaan reer Togdheer ugu baaqayaa inay shirkan martigelintiisa dedaal badan geliyaan, maadaama shirkii lagaga dhawaaqay Somaliland lagu qabtay Burco. Shirkani wuxuu sharaf u yahay sumcada gobolka oo dhan, waana in maamulka gobolka iyo degmadda Burco iyo shacbiga Togdheerba u diyaar garoobaan shirkaas.”