Saraakiisha Kastamka Maaliyada Ee Lawyacado Oo Xidhay Gabadh Umuliso Ah Oo Ka Hawl Gasha Xanaanada Caruurta Lawyacado

0
Thursday June 22, 2017 - 14:15:47 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha Kastamka Maaliyada Ee Lawyacado Oo Xidhay Gabadh Umuliso Ah Oo Ka Hawl Gasha Xanaanada Caruurta Lawyacado

    Waxa isa soo tarya dareenka cadhada leh ee ka dhashay xadhig lagu tilmaamay xad-gudub oo ay ciidamada Booliska ee Rugta Lawyacado u gaysteen gabadh Umuliso ah oo ka hawl-gasha Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Lawyacado, kadib markii ay soo eedeeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa isa soo tarya dareenka cadhada leh ee ka dhashay xadhig lagu tilmaamay xad-gudub oo ay ciidamada Booliska ee Rugta Lawyacado u gaysteen gabadh Umuliso ah oo ka hawl-gasha Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Lawyacado, kadib markii ay soo eedeeyeen Saraakiisha Kastanka cashuuraha ee Lawyacado.

Gabadhan umulisada ah oo lagu magacaabo Wiilo Mahdi Xasan ayaa markii ay ciidamada Boolisku xidhayeen waxa ay ku guda jirtay hawl-gal dhinaca caafimaadka ah oo ay ku badbaadinaysay nin dhaawac culus uu soo gaadhay oo xarunta MCH-ka loo keenay in la badbaadiyo, waxana Shabakada oo khadka taleefanka kula xidhiidhay ay uga warantay sida ay wax u dhaceen waxana ay tidhi

"Subaxnimadii saaka


ayaa waxa xarunta MCH-ka iigu yimid 3 haween ah oo u socday in la daaweeyo oo bukaan ahaa, ma aqaan meel ay ka yimaadeen, waxase aan gutay waajibkaygii dhaqtarnimo ee iga saarnaa u adeegida bukaanka, mid ka mid ah 3dan haweenka ah oo wadatay ilmo yar ayaa iga codsatay inaan u tilmaamo meel ay wax uga soo gado ilma yar oo waqtigaas ay gaajo ka oohinaysay, waanan u tilmaamay, wixii intaas ka dambeeyayna shaqadayda caafimaad Ayaan sii watay, abaaro 10kii subaxnimo ayaa waxa ii yimid rag ciidan ah oo hubaysan, waxana ay ii sheegeen in aan xidhanahay oo ay I soo dacweeyeen madaxda waaxda maaliyada ama cashuuraha ee Lawyacado, iyada oo ay ii taalo shaqo culus oo dhinaca caafimaadka ah, aniga oo u adeegaya bukaan aan waqtiga laga dayici Karin, aniga oo ku guda jira hawl-galo badbaado ah oo aan ugu adeegayo bukaano u badan Hooyo iyo Dhalaan ayaa la I qabtay oo xabsiga la I dhigay, sidaas oo ay tahayna la iima ogolaan In faahfaahin la iga siiyo sababta xadhigaya ka dambaysa”

 

4 saac ka dib ayaa Umuliso Wiilo Mahdi Faarax lagu sii daayay damiin, waxana shabakada u suura gashay inay waraysato Daahir Cabdi Maxamad oo ah madaxa MCH-ka Lawyacado, waxana uu cambaareeyay falkan xadhiga xaq-darada ah ee lagula kacay haweenaydan Hawl-wadeenka ka ah xarunta MCH-ka Lawyacado.

"Waxa la iisheegay in gabadhan ay u xidhan tahay Madaxda Rugta Cashuuraha ee Lawyacado, waxana aan wacay ninka masuulka ka ah ee la yidhaa Faysal Dheere, nasiiib daro taleefanka igama qaban, sidoo kale waxa aan wacay ninka la yidhaa Yaxye ee madaxa ka aha rugta cashuuraha Maaliyada ee Lawyacado, waxana uu igu yidhi, gabadha aan soo xidhnay waxa ay Aboolaysay haweenay kale oo MCH-ka daawo u timid, sidaas darted waxa aan u soo xidhnay in ay bixiso, lacagtii qofka ay na dhaafisay iyo ganaax kale oo ku waajibay”

Md. Daahir oo hadalka sii wata ayaa yidhi "Waxa nasiib daro ah in ay Masuuliyiinta Maaliyadu kala garan wayo in shaqalaha caafimaadku ay joogaan goob dadka lagu cashuuro iyo in ay joogan xarun daawayn oo dadka looga adeego iyaga oo aan loo abtirin, laba waydiin Meesha ay ka yimaadeen, waxa kale oo nasiib daro ah in Badbaabada Bani’aadamka ee ay dhaqaatiirta caafimaadku ku hawlan yihiin ay ka mudnaatay lacag cashuur ah oo ay daba sodceen saraakiisha Maaliyada ee markii horaba soo daysay haweenkan daawaynta u yimid xarunta MCH-ka, ah ee gudaha Lawyacado ku taala”

"Waan Cambaaraynayanaa falkaasi, waxana an sheegaynaa in uu yahay mid ka baxsan anshaxa bani’aadanimo iyo xasaanada qofka shaqalaha ah uu leeyahay iyo xushmada gaarka ah ee ay haweenku mudan yihiin, waxana aan ka rabnaa masuuliyiinta maaliyada in ay cadeeyaan Meesha ay shaqaalaha caafimaadku ku noqdeen kuwo dadka kootarabaaniya, waxana aan sidoo kale ugu baaqaynaa Wasiirada Maaliyada oo ah marwo Sharaf leh oo dareemaysa xushamada ay mudan yihiin haweenku in ay xaal ka bixiso falka ay shaqaalaheedu kula kaceen Hawenayda Umulisada ah ee ka hawl gasha MCH-ka Lawyacado”

Si kastaba ha ahaatee falkan ayaa waxa dareen cadho leh ka bixiyay qaar ka mid ah oday dhaqameedka iyo wax garadka ku dhaqan degaanka Lawyacado, waxana ay xukuumada gaar ahaana wasaarada maaliyada ugu baaqeen inay raaligalin ka bixiyaan, waxna ka qabtaan dhaqanka guracan ee ay leeyihiin hawl-wadeenada Maaliyada ee ka hawl gala Lawyacado oo ah kuwo ku caan baxay dhibta dadka musaafiriinta ah