War Deg Deg Ah;-Wasiir U Geeriyooday Dhaawac Ka Soo Gaadhay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

0
Thursday June 22, 2017 - 21:48:41 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah;-Wasiir U Geeriyooday Dhaawac Ka Soo Gaadhay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

    Muqdisho(AFKA);Maxamed Yuusuf Aw Libaax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland ayaa caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waabari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Maxamed Yuusuf Aw Libaax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland ayaa caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waabari.

?????????????

Allaha u naxariistee Aw Libaax ayaa qaraxaas ka soo gaadhay dhaawac culus, waxaana uu la sheegay in xilliga qaraxa dhacayay uu Wadada marayay.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Jowhar.com u xaqiijisay geerida Aw Libaax, iyadoo ka tacsiydeeysay.

Aw Libaax ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Ururka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo, waxaa dhowr bilood ka hor loo magacaabay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland.

Illaa 8 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waabari, waa qaraxii labaad oo labo maalmood gudaheed ka dhaca Muqdisho, iyadoo qaraxii Salaasadii dhacay lagu weeraray Xarunta degmada Wadajir.

Warbaahinta Afkashacabka.com
Muqdisho/Office