Masjidkii Ugu Waynaa Mosul Oo La Bur-buriyey Iyo Maraykanka & Daacish Oo Isku Tuur-tuuray.

0
Friday June 23, 2017 - 11:04:10 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjidkii Ugu Waynaa Mosul Oo La Bur-buriyey Iyo Maraykanka & Daacish Oo Isku Tuur-tuuray.

    Mosul(AFKA);-Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mosul(AFKA);-Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.

Sarkaal ka tirsan milatariga Iraq ayaa sheegay in ciidamada Iraq ay 50 meter u jireen masjidka markii mintidiinta Daacish ay burburiyeen arbacadii.

FILE – In this Monday, June 8, 2009 file photo, residents walk past the tilted minaret of al-Nuri mosque in busy market area in Mosul, Iraq. A resident in the Islamic State-held Old City in Mosul says militants have blocked the area around a highly symbolic al-Nuri mosque where the group’s leader made his first and only public appearance. (AP Photo/Maya Alleruzzo, File)

Wakaaladda wararka Dacaish ee Amaq ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay war kaas ka duwan, oo ah in diyaardaaha dagaalka Mareykanka ay burburiyeen masjidka.
Saraakiisha Mareykanka iyo xulafadooda ayaa durba diiday sheegashada kooxda Daacish.
Masjidkan oo loo yaqaan Masjidka Weyn ee Mosul ayaa dhisnaa in ka badan 800 oo sano, waxaana uu ahaa masjidkii uu khudbadda ka jeediyey hoggaamiyaha daacish Abu Bakr Al-Baghdadi, sanaddii 2014.
Burburinta masjidka ayaa timid ayada oo ciidamada Iraq oo taageero ka helaya isbaheysiga ay maalintii afaraad wadaan howlgal ka socda degmada da’da ah ee Mosul, oo ah halka ugu dambeysa ee Daacish ay ka maamusho magaalada.