Dawlada Jabuuti Oo Ka Amustay Su'aalo Laga Waydiiyay Diyaarado Dalkeeda Kaso Oo Duqaymo Ka Geystay Magalada Saylac

0
Friday June 23, 2017 - 11:07:05 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jabuuti Oo Ka Amustay Su'aalo Laga Waydiiyay Diyaarado Dalkeeda Kaso Oo Duqaymo Ka Geystay Magalada Saylac

    Hargeysa(AFKA):-Dawladda aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa Ka Muquuratay Su'aal laga weydiiyey diyaarado la sheegay in ay dalkeeda ka soo kaceenoo dhawaan duqaymo ka gaystay deegaamo katirsan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna deegaanno ka t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Dawladda aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa Ka Muquuratay Su'aal laga weydiiyey diyaarado la sheegay in ay dalkeeda ka soo kaceenoo dhawaan duqaymo ka gaystay deegaamo katirsan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna deegaanno ka tirsan gobolka Selel ee ku yaalla xuduudka ay Somalialand iyo Jabuuti wadaagaan, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey baadhasaabka gobolkaasi oo sheegay in duqaymo ay geysteen diyaarado joog hoose ku duulaya ooka soo kacay saldhigyada dalkaasi ee diyaaraduhu ka haadaan soona cago dhigtaan.

Balse safiirka dalka Jabuuti u fadhiya wadankan Somaliland Amb. Xuseen Cumar Ka-waaliye oo warbaahinta maxalliga ahi xafiiskiisa ku booqatay isla markaana wax ka weydiisay arrintaasi aya


markii Su’aashaas nuxurkeeda la weydiiyey waxa auu gebi ahaanba ka kacay kursigii uu ku fadhiyey.

 

Geesta kale Xukuumadda Somaliland ayaa tallaabadaasi ay Jabuuti kaga muquuratay inay ka hadasho su’aasha laga weydiiyey duqaymaha diyaaradaheedu la sheeegay inay ka geysteen Somaliland waxaa ay ka hadashay sida ay u aragto.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay baadhitaan ku waddo Diyaarado Duqaymo ka geystay habeennadii u dambeeyey deegaanno kala duwan oo ka tirsan Dhul-daaqsimeedka iyo Xeebta Saylac ee gobolka Selel, kuwaas oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan dawladda ama dalka leh.

Diyaaradahaas duqaymaha geystay oo Cabsi iyo argaggax badan ku abuuray Bulshada ku dhaqan gobolka Selel ee Somaliland, ayaan weli la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay. Hase-yeeshee, waxay laayeen Xoolo-nool, oo Geel ka mid yahay, sida uu Warbaahinta u sheegay Badhasaabka gobolka Selel.

Wasiirka arrimaha gudaha Somalliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, oo Telefeeshinka Bulsho wax ka weydiiyey waxay dawlad ahaan kala socdaan Duqaymahaas Diyaaraduhu geysteen, Khasaaraha ka dhashay iyo in weli ay aqoonsadeen Dalka laga leeyahay Diyaaradahaas, ayaa sheegay in Qumacyada Rasaastii ay rideen la ururiyey oo baadhitaan lagu wado, dhawaanna loo qaadi doono waddanka Jabuuti, oo la rumaysan yahay inay Diyaaradahaasi ka soo kaceen Saldhigyo Millateri oo dawlado kala duwani ku leeyihiin Jabuuti. "diyaaradahaasi dhawr goor bay soo weerareen deegaanka meelo kamid ah kuwaas oo rasaasna ku riday illaa immikana baadhis baa socota markaa deeillaa hadda wax laga hadli karaa ma jirto”.

Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "maya wax dad ahi kuma dhimaninee waxaa jira uun neef geel ah sida la ii sheegay illaa immikana waa la aqoonsan la’yahay diyaaradaha laakiin rasaastii ay rideen iyo qasharradii baa la ururiyey oo la geynayaa Jabuuti si loo daba galo bal diyaaradhaasi nooca ay ahaayeen oola sheegay in ay badda ka sookaceen, waxaana naloo sheegay in laba meelood ay wax ku dhufteen laba maalmood oo kala duwan”.