Dawladda Maraykanka Oo Joojisay Dhammaan Hilibkii Uga Iman Jiray Dalka Brazil.

0
Saturday June 24, 2017 - 09:35:21 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Maraykanka Oo Joojisay Dhammaan Hilibkii Uga Iman Jiray Dalka Brazil.

    Dawladda Maraykanka Oo Joojisay Dhammaan Hilibkii Uga Iman Jiray Dalka Brazil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka Oo Joojisay Dhammaan Hilibkii Uga Iman Jiray Dalka Brazil.

-Dawladda Maraykanka ayaa joojisay hilibkii looga soo dhoofin jiray dalka Brazil ka dib markii ay soo noqnoqotay walaaca laga qabo badqabka hilibkaas loogu talogalay suuqyada Maraykanka.


Dalal dhawr ah ayaa bishii saddexaad ee sannadkan mamnuucay hilibkii Brazil uga iman jiray, ka dib markii dacwad oogeyaal ay sheegeen in la laaluushay saraakiishii caafimaadka ee xaallada hilibka la sosocan lahayd.

Masuuliyiintaas caafimaadka ayaa laaluushka loo siiyay si ay u sheegaan in tayada hilibku uu wanaagsan yahay oo ay gaarsiisan tahay heerkii lagu iibgayn lahaa.

Maraykanku markaas ma mamnuucin hilibkii Brazil, laakiin wuxuu amray in baaritaan lagu sameeyo dhamman hilibka laga soo dhoofiyo dalka Brazil.

Shirkadda wayn ee JBS ee bacaysa hilibka ayaa sheegtay in ay ka qaybqaadanayso baaritaanka la wadoLahaanshaha sawirkaEPA

Hadda ayuu dalku sheegay in qaar badan oo ka mid ah hilibka Brazil uu ka hooseeye heerkii badqabka ee lagu quudan karay.

Xukuumadda Maraykanka ayaa tan iyo bishii saddexaad diiday in uu dalka soo galo 860,000 kg oo hilibka Brazil ah, iyadoo lagu sababeeyay walaac laga qabo in hilibkaasi uu wax u dhimo caafimaadka bulshada, xaaladda nadaafadeed ee hilibka oon wanaagsanayn iyo caafimaadka xoolaha la soo qalay.