Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Ku Gurey Dad Abaabulayey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Dhexmaray Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

0
Saturday June 24, 2017 - 12:26:06 in by Burco Office
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Ku Gurey Dad Abaabulayey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Dhexmaray Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

    Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Ku Gurey Dad Abaabulayey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Dhexmaray Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Ku Gurey Dad Abaabulayey Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Dhexmaray Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Wararka laga helaayo maggaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Laascaanood ay shalay qabqabteen dad gudaha Laascaanood ka abaabulayey mudaharaad lagaga soo horjeedo heshiiskii ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Dadkan oo doonayey inay mudaharaadkaasi dhigaan isla markaana abaabulayey dhigista mudaharaadkan ayaa ciidamada Booliska Laascaanood naloo sheegay inay xabsiga laascaanood ku gureen dadkaasi.

Waxaana dadkaasi mudaharaadkaasi ay kaga soo horjeedeen heshiiskaasi iyaga oo sidoo kalena doonayey inay Bulshadda Buuhoodlle ku kiciyaan horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii uu hogaaminayey ee ka qayb galay wada hadaladii Hargeysa ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Khaatumo kuwaas oo shalay gaadhay deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool.

Ciidamadan Booliska ayaa dadka ay qabqabteen ee abaabulayey mudaharaadka ayaa Tiradoodu dhamayd sida naloo sheegay ilaa 5 qof oo ahaa dadkii hormuudka u ahaa abaabulkan mudaharaadkan Laascaanood laga dhigayo.

Xaalku si kastaba ha ahaadee dhawaan ayay ahayd kadib markii ay magaalada Hargeysa heshiiska ay ku kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,waxaana heshiiskan si wayn uga gubtay isla markaana arrimahan lagaga soo horjeedo abaabulaya maamulka Puntland oo iyagu diidan heshiiskan guusha ah ee ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.