Milkiilaha Facebook Oo La Kulmay Soomaalida Ku Nool Minneapolis Iyo Arimaha Uu Kala Hadley+Sawiro.

0
Saturday June 24, 2017 - 22:44:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milkiilaha Facebook Oo La Kulmay Soomaalida Ku Nool Minneapolis Iyo Arimaha Uu Kala Hadley+Sawiro.

    Minneapolis(AFKA):- Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolisee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minneapolis(AFKA):- Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolisee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table and indoor

 

 

 

 

Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan.


Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo.


Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu dareemayo in Mareykanka uu yahay dalkiisa iyo in kale, kadibna uu ugu jawaabay "Dalkaaga waa kan aad ku dareento xorriyad aad ku sameyn karto wixii aad doonto. Haa, kani waxaan u dareemayaa dalkeygaā€¯.


Mark Zuckerberg ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ah ay yihiin kuwo sharaf u ah Mareykanka oo ah dal qiimeeyaa xorriyadda qofka.