Madaxwayne Ku-xigeenka Oo Ka Hadlay Xuska Maalinta 26-ka Juun, Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Sicir-bararka Xadhkaha Goostay Ee Ka Taagan Dalka

0
Monday June 26, 2017 - 10:46:17 in by Burco Office
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku-xigeenka Oo Ka Hadlay Xuska Maalinta 26-ka Juun, Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Sicir-bararka Xadhkaha Goostay Ee Ka Taagan Dalka

    Madaxwayne Ku-xigeenka Oo Ka Hadlay Xuska Maalinta 26-ka Juun, Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Sicir-bararka Xadhkaha Goostay Ee Ka Taagan Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Ku-xigeenka Oo Ka Hadlay Xuska Maalinta 26-ka Juun, Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Sicir-bararka Xadhkaha Goostay Ee Ka Taagan Dalka

26kii Juun 1960 ayey gobolladii la isku oran jiray waqooyiga Soomaaliya waxay xorriyadooda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, waana maalintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago magaalada Hargaysa.


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa munaasabaddaasi hambalyo u diray shacabka.

Wareysi khaas ah oo uu siiyay BBC-d ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sababta aanay Somaliland u weyneyn xuska 26 Juun, wada hadallada u dhexeeya SomalilandiyoSomaliya, iyo sicir bararka dhibaatada ku haya nolosha dadka reer Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ugu horeyn ka hadlaya xuska maalinta 26 Juun iyo sababaha loo waynayn waayey ayaa waxa uu yidhi sida tan

"Maanta oo ah maalinkii 26-kii Juun oo ah maalin aad u qiimo badan gaar ahaan umada Somaliland qiimo gaar ah ku leh guud ahaaana umadda Somaaliyeed oo ah 57 guuradii kasoo wareegtay maalinkii callan Soomaliyeed laga taagay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland,waxaan marka hore u hambalyeynayaa dhamaan umadda Somaliland meel kaste oo ay joogaan,marka Labaad waxaan leeyahay waa in ay umadda Somaliland taariikhdu meel ugu suntanaato madaama oo markii hore xoriyaddii aynu qaadanay aynu walaalaheen ula tagnay tiina ay dhibaato inaga soo gaadhay markii danbe ay inagala qiimo badantay tii aynu dib ugula soo noqonay xorriyadeenii 18 May oo aynu caadi u xusno laakiin tan qudheeda umadda Somaliland gaar ahaana Qurbajoogta waxaan odhan lahaa waa in ay aad u xusaan oo nin walba halkuu joogo ku xuso,anaguna habeenka inshallah si caadi Ayaan u xusi doonaa”sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo su’aal laga waydiiyey sababaha loo waynayn waayey maalinka xuska 26 Juun ayaa waxa uu kaga jawaabay

"Maalintani maaha maalin la neceb yahay laakiin se waxaad moodaa markii dhibaato inagala kulantay midnimadii Somaliya,waxa dhacday in dib aynu ugula soo noqonay xornimadeenii 18-May-1991,taas ayaa keentay in maalinkii lala soo noqday ay ka qiimo badnaato ama culays la saaro si umaddii Somaliland dib ula soo noqoshaddii u xusaan,taas uunbaa keentay laakiin marnaba qiimaha ay nagu leedahay maaha mid aan ilaawayno”sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka Saylaci waxa su’aal laga waydiiyey in ay ku daba dheeraatay in ay dunidu ay aqoonsi buuxa siiso Somaliland ayaa waxa uu yidhi

"Runtii way nagu dheeraatay muddo badan Ayaan sugaynay Ictiraaf la’aan laakiin waxaan ku faraxsanahay waxaan dhisanay dawlad iyo nidaam ayaynu u dhisanay,dimuqraadiyad ayaynu gaadhnay,maanta waxaynu nahay Qaran nabad ku naaloonaya aanay haysanin walaalaheena kale markaas waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta heer fiican joogno,laakiin se waxaan qabaa in Beesha Caalamku na hagraday laakiin waxaan rajaynaynaa ama aynu ku talo galaynaa in intaa iyo in ka badanba aynu u samirno sidii aan u gaadhi lahayn wakhti uu Qarankeenu noqdo qaran kamid ah beesha Caalamka.”sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa sidoo kalena waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo muddoba hakad ku jirey,waxaana uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in dib loo bilaabo wada hadalkaasi waxaana uu yidhi.

"Aad iyo aad anaguna waan ku talo galnay marka hore kala guur baa dhacay oo dawlad cusub baa u dhalanaysay Somaliya,inaga qudheena doorashooyin ayaa ina sugayey dib u dhacbaa inagu dhacay,waxaan rajaynaynaa in doorashada aynu ka baxno wakhtigaa kala guurka ah,annaguna mar kaste diyaar baan u nahay in wada hadalkaasi sii socdo oo walaalahay aan wada hadalno oo danaheena ka wada tashano iyo sida inoo dana labadeena dal ba”sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa ka jawaabay su’aalo la waydiiyey oo nuxurkeedu u dhignaa talaabada ay qaadi doonaan hadii ay Somaliya diido in ay madaxbanaanideeda usii dayso Somaliland oo ay ku goodido inay iyaguna markooda calanka Somali-wayn keeni doonaan ayaa waxa uu yidhi

"Shacabka Somaliland go’aan adag bay qaateen oo Distuuri ah markaa mar walba waxaan ku shaqaynaynaa rabitaanka Shacabka oo ah in laba dawladood oo walaalo ah oo is garab yaala oo sidayn markii horeba ahayn aynu ahaano inaan iskugu tagnay ay maanta noqoto in riyadii Somaliwayn ay rumoobi wayday in maanta laba dal oo walaalo ah oo is garab yaal aynu noqono Ayaan ku shaqaynaynaa oo waa rabitaanka Shacabkayaga”.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan oo gaadhay heerkii ugu saraysay,waxaana uu badka soo dhigay waxyaalaha sababay sicir bararka dalka ka taagan

"Runtii waa dhibaato jirta waaye,waxyaalo badan baa is biirsaday,sicir bararkan maanta laba shay ayaa u sal ah Abaartii dhacday oo waxii aynu iibinayna ama soo saaraynay oo aad u yaraadday,xoolihii oo runtii ahaa laf dhabartii dhaqaalaha oo iyada laynaga joojiyey,runtii aad baan uga xumahay wakhti adag ayaynu galnoo oo ciidii iyo bishii barakaysnayd ee Ramadan ay lacagtoodii waxba u goyn waydo,hadana mar walba dadaalka waynu ku jiraynaa sidii aan ula dagaalami lahayn ama aan hoos ugu celin lahayn”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.