Xukuumadda somaliya ayaa ka hadashay Cilad farsamo oo ku timid Adeega Internaydka Qaybo Ka mid ah Koonfurta Somaliya

0
Monday June 26, 2017 - 15:37:25 in by Burco Office
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda somaliya ayaa ka hadashay Cilad farsamo oo ku timid Adeega Internaydka Qaybo Ka mid ah Koonfurta Somaliya

    Xukuumadda somaliya ayaa ka hadashay Cilad farsamo oo ku timid Adeega Internaydka Qaybo Ka mid ah Koonfurta Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda somaliya ayaa ka hadashay Cilad farsamo oo ku timid Adeega Internaydka Qaybo Ka mid ah Koonfurta Somaliya

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta, Axmed Xaaji Cabdi oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa waxaa uu sheegay in markab uu jiidhay halka ay iska galaan laba cable oo Internet ah, oo ka kala yimaada Jabuuti iyo Kenya.

"Fiillooyin cable ah oo nooga kala yimaado Kenya iyo Jabuuti, meel ay iska galaan ayuu markab

jiidhay, markab kale ayaa loo soo diray oo samaynayo.” Ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta.

 

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in xalinta ciladan ay soo korodhay ay qaadan doonto muddo dhawr maalmood ah, sida uu yidhi Agaasime Axmed Xaaji Cabdi.

Axmed Xaaji Cabdi, ayaa waxaa uu xusay in tani ay culeys ku keentay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba.

Adeegga Internet-ka, ayaa shalay ilaa maanta ka maqan qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya, taasoo saameyn xoogan ku yeelatay Shirkadaha waaweyn, Xafiisyada Doowlada iyo Guud ahaan shacabka.