WAR SAXAAFADEER KA SOO BAXAY DALADA GUUD EE KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO) 25 JUUN 2017

0
Monday June 26, 2017 - 16:20:20 in by Burco Office
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR SAXAAFADEER KA SOO BAXAY DALADA GUUD EE KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO) 25 JUUN 2017

    WAR SAXAAFADEER KA SOO BAXAY DALADA GUUD EE KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO) 25 JUUN 2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR SAXAAFADEER KA SOO BAXAY DALADA GUUD EE KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO) 25 JUUN 2017
Kadib markii Jaalliyada guud ee
Khaatumo Diaspora Organization (KDO)
wadatashi la yeelatay maamulka Khaatumo State maanta oo ay bishu tahay
24 Juun 2017 waxay go'aan ku gaadheen inay si buuxda u taageeraan heshiiskii
hordhaca ahaa ee maamulka Khaatumo State iyo Somaliland ku kala
saxeexdeen magaalada Hargeysa 17 Juun 2017. Heshiiskani wuxuu ka
turjumayaa baahida loo qabo in nabad iyo xasilooni waarta laga dhaliyo
gobolada waqooyiga Soomaaliya ee la isku odhan jirey (British Somaliland
Protectorate) bulshada goboladaas ku dhaqana ee ood wadaagta ah loogu
horseedo horumar iyo wax wada qabsi.

 

Haddaba Dhammaan Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay halkan idiinku soo
gudbinayaan war saxaafadeedkan:
1. Maadaama Federalka Soomaaliya uu ku kooban yahay Koonfurta Soomaaliya
oo keliya, Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay hoosta ka xariiqayaan in
maamulka Khaatumo uu yahay maamul ka mid ah maamulada ka jira Waqooyiga
Somaliya uuna diyaar u yahay inuu qaab Federal ah wax kula qeybsado
maamulka Somaliland.
2. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay si buuxda u taageerayaan dadaalka
socda ee lagu midaynayo maamulka Khaatumo State iyo Somaliland, iyo
heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu gaaray magaalada Hargeysa 17 Juun 2017.
3. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay taageerayaan shirka wadatashiga ee
maamulka Khaatumo iyo Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka dhaco magaalada
Burco 10 Luulyo 2017.
4. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan bulshada reer
Khaatumo inay maanta isku tashadaan oo Isim, aqoon yahan iyo shicib is garab
taagaan maamulka keliya ee ay leeyihiin ee Khaatumo State, qof kastaana ka
qeyb-qaato sidii loogu diyaar garoobi lahaa, loogana midho dhalin lahaa wada
hadalka Khaatumo State kula jirto maamulka Somaliland.
Hogaanka Jaaliyadaha Khaatumo Diaspora Organisation (KDO)
5. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan maamulka Puntland
inuu ka waantoobo oo si dhakhso leh u joojiyo faragelinta iyo hagardaamada uu
ku hayo maamulku Khaatumo.
6. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan dawlada Dhexe ee
Soomaaliya inay taageerto midnimada waqooyiga Soomaaliya, kana
digtoonaadaan inay Puntland garab ku siiso hagardaamada iyo carqalada ay ku
wado bulshada iyo maamulka Khaatumo.
7. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay soo dhaweynayaan inay
walaalahooda Jaalliyadaha Somaliland Diaspora ka wada shaqeeyaan sidii loo
xoojin lahaa dadaalka ay wadaan Khaatumo iyo Somaliland kaas oo ay ku
doonayaan inay dhidibada ugu taagaan dowlad federal ah oo ay ku midoobayaan
gobolada Waqooyi taas oo bulshada u horseedi doonta walaalnimo, horumar,
wax wadaqabsi iyo hanaan reer Waqooyinimo.
Hogaanka sare ee Jaaliyadaha
Khaatumo Diaspora Organization (KDO)
------------------------------------------- Wabillaahi Tawdiiq -------------------------------------------
Waxaa warmurtiyeedkan si wadajir ah u saxeexay golaha Fulinta iyo golaha Sare
ee Khaatumo Diaspora Organization (KDO):
Gudidda Fulinta KDO
1- Eng Mohamed Jebril
2- Amiir Ahmed Jama Gabalaax
3- Abdirisaq Tallman.
Gudidda Sare ee KDO (Board)
1- Mohamed Bulaale
2- Abdikadir Aidid
3- Mohamed Jebril
4- Rashid Hambuuse
5- Farah Jibaar
6- Ubah Olol
7- Kinsi abdi
8- Abdi Issa
9- Abdiqani Dabayl
10- Abdalla Shafay