Awooda weedha "Maya" W/Q:Cabdiraxmaan Nuux Maxamed "Horseed".

0
Tuesday June 27, 2017 - 19:10:54 in by salman abdi
  • Visits: 2116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Awooda weedha "Maya" W/Q:Cabdiraxmaan Nuux Maxamed "Horseed".

    Galab kamid ahayd bishii disember ee sanadkii 1955 kii , ayaa .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Galab kamid ahayd bishii disember ee sanadkii 1955 kii , ayaa .......


Galab kamid ahayd bishii disember ee sanadkii 1955 kii , ayaa gabadh la yidhaahdo Roza Parks oo midabkeedu ahaa maariin asal ahaanse ku ab- tirsata dadka madowga ah ee ku dhaqan waddanka maraykanka, ayaa kasoo rawaxday meel ay dharka ku toli jirtey, kadib markay soo dhamaysay shaqo maalmeedkeedii dhibka badnaa. Waxa ay damacday in ay gurigeeda ku laabato, waddadii ay baska ka raaci jirtey ayay soo gaadhey, bidix bay jaleecday,haddana midig bay fiirisay ,dabadeed dhanka kale ayay uga talowday waddada si ay baska isaga sugto. Intii ay sugeysey baska waxa la hor keenay muuqaalka waddanka markaa ka jirey, muddo toban daqiiqo ah waxa niyad ahaa isu sawiray taswiirta foosha xun ee waddankeeda markaa ka jirtey, waxa u muuqanaysay dulmigii iyo tacadigii foosha xumaa ee lagu hayey dadka madowga ah ee ay ka midka tahay.
waxa xilligaa dhaqan caadiya ka ahayd maraykanka in aan la yeeli Karin in nin madow ama gabadh madow kursi ku fadhiisato meeshuu doonaba ha ahaadee iyada oo nin ama gabadh cadi taagantahay, sharciga waddanku wuxuu xataa dhigayey in aan ninka madow fadhiisan iyada oo gabadha cadi taagantahay, xataa haddii qofka fadhiyaa yahay islaan madow oo da’ ah ,qofka taagana yahay wiil da’ yar oo cadaan ah isla markaana xoogiisa qaba,waxa waajib ku ahayd islaantaas in ay uga kacdo kursiga wiilka dhalinta yar.
Waxa xilligaa laga dareemayay waddanka xaqiraadii ugu xumayd ee madawga loo geysto,waxana ay gaadhey heer goobaha laga cunteeyo iyo goobaha ganacsigaba afaafka laga soo galo lagu dhejiyo waraaq ay ku qorantahay ; "waxa mamnuuc ka ah in ay soo galaan bisadaha, eyda iyo ragga madmadow.”
Muuqaaladaa xanuunka badan ayaa markaa Roza hor yaaley intaan basku soo gaadhin. Taasina waxay gabadhan ku abuurtay murugo iyo cadho. Waayo waxa ay is dareensiisey in sida xayawaanka loola dhaqmay.
Baskiibaa goobtii soo gaadhey , gudahay u gashay, waxay fiirisay kursi banaan,waa ay heshay si degdeg ah bay isugu dul tuurtay, boorsadeediina laabta ayay ku dhejisay. Si degan bay u fadhiisatay,waxana ay fiirinaysay dhanka basku u socdo.
Goobtii labaad ee baska dadku ka raaci lahaayeen baa lasoo gaadhey, gudahaa la isku soo guray ,gaadhigiina waa buuxsamay, si degan baa dhankeeda waxa usoo dhaqaaqay nin cad, wuu isi soo dul qotomiyey isagoo naawilaya in ay uga kacdo kursiga, balse waxay u jaleecday si adag. Ninkii cadaa wuu cadhooday, dadkii caddaanka ahaa ee baska saarnaana waxa ay cay ku afuufeen Roza , waxay ku yidhaahdeen dhaqso uga kac ninka cad kursiga, balse way inkirtay warkaas. Waxay adeegsatay weedha awooda badan ee "MaYa”, go’aankeedii bay ku adkaysatay. Ninkii baska wadey ayaa arkay sharciga ay meel kaga dhacday gabadhu, waxa uu gaadhigii u jiheeyey dhanka xarunta booliska si wax looga qabto gabadhan waxaas ku samaysay mudanaha cadaanka ah. Waxa laga qaaday Roza 15 dollar oo ah xad gudubka ay samaysay.

Dhacdadaas markii la maqlay , waxa aad ay u cadho gelisay madow wixii waddanka ku noolaa, waxa ay go’aan ku gaadheen in ay jaraan dhammaan shebekedaha xidhiidhka dadweynaha, ayaga oo dalbanaya xuquuqdooda, sheeganayana in ay xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan nolol wanaagsan oo ixtiraam leh.
Kacdoonadaas ba’an ee dhacdada Roza dhalisay waxay ay socdeen muddo 381 maalmood ah. Ameerikana waxa ay gashay madax wareerkii ugu darnaa.
Ugu dambayntiina waxa ay maxkamadu soo saartay go’aankeedii oo ay ugu hiilinayso Roza Parks . waxana xilligaa maxkamadu meesha ka saartay waxyaabo badan oo madowga xaq daro ku ahayd.
27/October/ 2001 , oo ay kasoo wareegtay 47 sano maalintii ay dhacdadaasi dhacday ayaa waxa loo sameeyey xus aad u balaadhan. Waxana xilligaa la iclaamiyey in lagu iibsanayo baska ay dhacdadaasi ka dhacday lacag dhan 492 kun oo doolar.
Markii ay Roza gaadhey da’da 80 ,waxa ay qortay buug ay ku magacawday "Awooda degan” . waxana ay leedahay iyadoo cabiraysa dareenkeeda xilligii dhacdadaa ; " waxaan xasuustay awoowayaashay, aabayaashay, waxanan u ciirsaday illaahay, waxana uu isiiyey awood ,taas oo uu siiyo dadka taagta daran.”
24 / October/ 2005 waxa kumanaan kun oo qof isugu yimaadeen geerida Roza Parks. waxayna ay ku dhimatay da’da 92 jir. Waxa maalinkaa ilmeeyey kumanaan qof , waxana kasoo qayb galay madaxda dawlladaha. Waxa sidoo kale hoos loogu dhigay calanka waddanka marayka, maydkeedana waxa la balan qaaday in lagu sharfayo oo la dhigayo mid kamid ah dhismayaasha Kongareeska waddanka inta laga aasayo. Waxana maamuuska noocan ah lagu yaqaanay in loo sameeyo keliya madaxda meeqaamka sare leh ,balse Roza ayana geesinimaday muujisay ayay midaas ku hanatay.
Waxa intii ay nooleyd heshay abaal marinta xoriyada sanadkii 1997 kii, waxa ay sidoo kale heshay abaal marinta dahabka ah ee Kongareeska oo ah mida ugu saraysa waddanka oo ay qaadatay 1999 kii.
Waxana ay abaal marintaa xoriyada u hadyeysey cid kasta oo la jinsi ah , iyada ku muujinaysa weedha awooda badan ee "MaYa”.
"Maya-na waxay meel weyn ka gashay taariikhda waddanka maraykanka.”.
Qisadan waxaan usoo qaatay in aan ku dareensiiyo Weedha maya iyo awooda ay leedahay, iyo in aad adiga qudhaadu u baahantahay adeegisgeeda, ku diid dulmiga ku diidi cida ku tidhaahda waxba ma noqon kartid ama meel ma gaadhi kartid. Adeegso mar kastoo qof damco in uu adiga ku niyad jebiyo ama hankaag dilo.


…………………………………………DHAMMAAD…………………………………………………….

Qalinkii: Qoraa Cabdiraxmaan Nuux Maxamed "Horseed”.
Email: Crhorseed102@gmail.com.