Mas'uuliyiinta Shirkadda DP World Oo Ka War-Bixiyey Waxa Sababay Koontiinarkii Ku Qarxay Dekedda Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
Wednesday June 28, 2017 - 18:44:43 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta Shirkadda DP World Oo Ka War-Bixiyey Waxa Sababay Koontiinarkii Ku Qarxay Dekedda Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Mas'uuliyiinta Shirkadda DP World Oo Ka War-Bixiyey Waxa Sababay Koontiinarkii Ku Qarxay Dekedda Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta Shirkadda DP World Oo Ka War-Bixiyey Waxa Sababay Koontiinarkii Ku Qarxay Dekedda Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.


Mas’uuliyiinta Shirkadda DP-World ee maamula Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray sida uu u dhacay dabkii shalay ka kacay Dekedda Berbera ee uu sababay Koontiinarka la sheegay in ay ku jireen walxo kiimiko ahi kaasi oo ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan kiiska sida falkaasi u dhacay iyaga oo faahfaahiyey sida dabkaasi u kacay iyo baadhitaan ku socda ninkii ganacsada ahaa ee lahaa alaabtaasi qarxa samaysay.

 

 

War-saxaafadeed ka soo baxay shalay xafiiska DP-World ee Berbera oo uu ku saxeexnaa maamulaha guud ee Maaliyadda Shirkadda DP-World Berbera Mudane Imaan Yusuf Imaan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay ShabakaddaGebogebonewsayaa u dhignaa sidan:"

 

Date: June 27, 2017Ku:

Dhammaan Saxaafada Somaliland.

UJEEDO: Warbixin Konteynarkii ku gubtay Dekedda

 

Berbera.Waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa Warbixin ku saabsan kontaynar ku gubtay maanta Abaaro 11:00-am Duhurnimo, Taariikhduna ahayd 27, June 2017, kontaynar kaasoo ay ku jireen Walxo Kiimiko ah kuwaasi oon loo soo yeelin wax calaamad ah oo muujinaysa khatarnimada shixnada kontiinarkaasi ku jirta sida uu dhigaayo xeerka calamiga ah ee shixnadaha khatarta ah ee la mariyo marin badeedada (international maritime dangerous good code).

 

Hadaba ganacsadaha konteynarkan lahaa wuxuu ka been sheegay Manifeska konteynarkan oo uu walxaha ku jiray uu magac kale u bixiyay amaba ku sheegay.

 

Kontaynarkan maanta qarxay wuxuu ahaa hadhaagii kasoo hadhay qaraxii kontanarkii hore ee dekada hore qarax u sababay 18 June, 2017 oo meel cidlo ah la dhigay taasi oo dekeda ka baxsan.Waxa wali socota baadhitaan Shirkada DP World Berbera iyo Ciidanka CID iyo booliska degmada Saaxil ay ku wadaan ganacsadihii alaabta lahaa iyo Xaqiiqda nooca Kiimiko ah ee konteynarka ku jiray.

 

Shirkada DP World waxay caddaynaysaa inaanu jirin wax dhibaato Maal iyo Naf ah oo soo gaadhay shaqaalaha dekedda iyo dhamaan badeecadihii kale ee dekedda yaalay laguna guulaystay in lasoo afjaro qiiqii iyo qaraxii konteynarkaas, islamarkaasna dhamaan shaqadii dekedu ay u socoto sidii caadiga ahayd.

 

Imaan Yusuf Imaan

Chief Financial Officer. (CFO)

DP World Berbera”