Gabdho Muslimiin Ah Oo Cabasho Ka Muujiyay Cunsuriyad Ay Kala Kulmeen Poland

0
Thursday June 29, 2017 - 12:53:53 in by Super Admin
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabdho Muslimiin Ah Oo Cabasho Ka Muujiyay Cunsuriyad Ay Kala Kulmeen Poland

    Gabdho Muslimiin ah oo u dhashay dalka Jarmalka oo ciyaal iskuul ah oo Poland u tagay si ay u booqdaan goobtii uu ka dhacay xasuuqii Holocaust ayaa sheegay in dadka deegaanku ay midab takooreen intii ay safarkaas ku jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabdho Muslimiin ah oo u dhashay dalka Jarmalka oo ciyaal iskuul ah oo Poland u tagay si ay u booqdaan goobtii uu ka dhacay xasuuqii Holocaust ayaa sheegay in dadka deegaanku ay midab takooreen intii ay safarkaas ku jireen.


Booqashadan gabdhaha ayaa ahayd mid waxbarasho la xidhiidha.

Gabdhahan oo ka socday iskuul ku yaalla magaalada Baarliin ayaa u warramay Idaacadda Deutschlandfunk radio Iyaga oo u sheegay wixii ay la soo kulmeen. Afar ka mid ah gabdhahaas oo xijaabnaa ayaa sheegay in tacadi loo gaystay.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sheegay in candhuuf lagu tufay iyada oo dhex maraysa waddo ku taalla Lublin ka dib markii ay boolisku joojiyeen iyaga oo iska muusoonaya oo aan wax dambi ah galabsanin.

Gabadh kale ayaa sheegtay in laga soo eryay dukaan ka dib markii ay ku hadashay luuqadda Persian-ka, iyadoo markaa walaalkeed ay kula hadlaysay telefoon.

"Way ii yimaadeen waxayna igu yidhaahdeen ‘ma bixi kartaa’ dadka halkan jooga ayaad qasaysaa ee’ waxaan is-waydiiyay sabab? Sababtu ma waxay ahayd inaan ku hadlay Persian oo aan ajanabi ahay? Haa,” sidaas ayay u sheegtay idaacadda.

Booliska magaalada Lublin oo war qoraal ah soo saaray Salaasadii ayaa sheegay "in wax dacwad ah aanay ka soo gaadhin dadkaas markii ay safarka ku joogeen.”

Waxa kale oo ay sheegeen in boolisku uu dib u baadhay kamaradaha ammaanka aanay ku arkin wax dhacdo ah oo ay ku lug-leeyihiin ajaanib.