Isbahaysiga Sucuudiga Oo Kordhiyey Wakhtiga Qadar Kaga Jawaabi Karto Shuruudihii La Dul Dhigay
Shuruudaha la dul dhigay dalka Qadar oo ka koobnaa 13 qodob ayaa waxa ka mid ahaa inay qadar xidho warbaahinta Al-Jazeera iyo saldhiga milatari ee turkiga.Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.
Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta maanta ah.
Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay
dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar ayaa maanta ka dagay wadanka Kuwayd si uu u boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu wayn ee xiisadda Khaliijka ugu wareejiyo jawaabta boqorka Qadar.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Moxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al-Thani ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu diiday dalabka loo soo jeediyay balse uu diyaar u yahay wadahadallo shuruudo sax ah wata.
Qadar ayay todobaadyo saaran tahay cunaqabatayno dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aan la sii saadaalinin, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.
Source:-BBCsomali
Isbahaysiga Sucuudiga Oo Kordhiyey Wakhtiga Qadar Kaga Jawaabi Karto Shuruudihii La Dul Dhigay
Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.