Dalka Yugandha oo Bogaadiyey Horumarka JSL Ka Gaadhay Dhinacyo Kala Duwan

0
Tuesday July 04, 2017 - 11:08:22 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Yugandha oo Bogaadiyey Horumarka JSL Ka Gaadhay Dhinacyo Kala Duwan

    Hargeysa(AFKA);Wadanka Yugandha ayaa bogaadiyey horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada iyo dimoqraadiyada, sida lagu sheegay kulan safaarada JSL ee Itoobiya ku dhexmaray Safiir-xigeenka JSL Ayaanle Salaad Diiriye iyo Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wadanka Yugandha ayaa bogaadiyey horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada iyo dimoqraadiyada, sida lagu sheegay kulan safaarada JSL ee Itoobiya ku dhexmaray Safiir-xigeenka JSL Ayaanle Salaad Diiriye iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Uganda H.E. Sam Kahamba kutesa.

Sida lagu sheegay qoraal safiir Ayaanle Salaad ugu talogalay warbaahinta oo soo gaadhay shabakada SomalilandSpan ayuu ku sheegay inuu kulamo kala duwan la yeeshay xafiiskiisa safaarada JSL ee Itoobiya Qaar ka mid ah wasiirada Arrimaha Dibeda ee Qaarada Afrika.

"Waxaan maalmahii u dambeeyey kulamo la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibeda ee wadamada Yugandha iyo Jabuuti, iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Itoobiya oo kala hadalay danaha u dhexeeya wadamada iyo jamhuuriyada Somaliland.”

"Wasiirka Arrimaha Dibeda Uganda H.E. Sam Kahamba kutesa, ayaa amaanay horumarka JSL ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada iyo dimoqraadiyada, waxaanan mustaqbalka rajaynaynaa inaan kulamo dheeraad ah yeeshaan labada wadan.

Safiir-xgeenka safaarada JSL ku leedahay dalka Itoobiya safiir Ayaanle Salaad ayaa sheegay in kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya labada wadan iyo labada shacab ee Itoobiya & Jamhuuriyada Somaliland.

Kulamada Safiir Ayaanle Salaad Diiriye, ku-xigeenka safaarada JSL ee Itoobiya la yeelanayo wasiirada Arrimaha Dibeda ee qaarada Afrika ee kulamada ku leh xarunta Midowga Afrika ayaa qeybweny ka qaadanaya dedaalada xukuumada JSL iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda ugu jiraan sidii qadiyada madaxbanaanida JSL loo gaadhsiin lahaa dhamaan caalamka, lana saadaalinaya inay wax badan ku kordhiyaan fahamkooda kala duwanaanshaha janhuuriyada Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.