Itoobiya Oo Dawladda Soomaaliya Ku Wareejisay 120 Maxbuus Oo Ka Soo Kala Jeeda Hargeysa iyo Muqdisho

0
Wednesday July 05, 2017 - 11:45:57 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Dawladda Soomaaliya Ku Wareejisay 120 Maxbuus Oo Ka Soo Kala Jeeda Hargeysa iyo Muqdisho

    Addis Ababa (AFKA)-Dawladda Itoobiya ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ay ku wareejisay 120 maxbuus oo ka soo jeeda Somaliland, Soomaaliya oo in muddo ku xidhnaa dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa (AFKA)-Dawladda Itoobiya ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ay ku wareejisay 120 maxbuus oo ka soo jeeda Somaliland, Soomaaliya oo in muddo ku xidhnaa dalkaasi.

Wuxuu sheegay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre in lagu wareejinta maxaabiistu ay qayb ka ahayd heshiis dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, kaasi oo la saxiixay safarkii hore ee uu ku tegay Magaaladda Adis-ababa ee Dalka Itoobiya.

"Waxaan ku guuleysanay inay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay " ayuu ku yidhi Raysal Wasaaruhu qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

"Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itobiya kula heshiinay inay nagu soo wareejiso Maxabiista Soomaaliyeed ku xidhan dalkeedda” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Amb. Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ka hadlay maxaabiista laga sii deynayo xabsiyada Itoobiya, isagoo sheegay in maalmaha soo socda dalka Soomaaliya lagu celinayo illaa 120 maxbuus.

Safiirka oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ay tahay mid horudhac ah, oo qeyb ka ah is afgarad dhex-maray labada dowladdood, isagoo xusay ka hadalka arrinta maxaabiista uu soo bilaamay safarkii Madaxweyne Farmaajo ku yimid Addis Ababa iyo Raysal Wasaare Kheyre.

"Maxaabiista aan soo aragnay waxay ku xidhnaayeen Jigjiga, si wanagsan ayaa loola dhaqmay, qaarkood waa wareysanay, iskuulo ayay dhigtaan, tababar ay ku shaqeystaan ayaa la siiyay, waxaa la siiyay wacyi-gelin”ayuu yidhi Safiirka.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in maxaabiistan badankood ay u xidhan yihiin dambiyo la xidhiidha inay si sharci-darro ah dalka ku soo galeen, iyo qaarkood oo sharcigii dalka ku joogeen ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in lagu soo wareejiyo, isla markaana loo qaadi doono dalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaarado lagu qaado soo diri doonto sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay inay jiraan maxaabiis kale oo ku xidhan xabsiyada Itoobiya ayuu sheegay in xabsiga ay tageen Jigjiga ay intaas maxaabiis ku arkeen, balse ay jiri karaan kuwa kale oo ku xidhan xabsiyada kale oo ayna war u heyn.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in maxaabiista la sii daynayo ay u badan yihiin kuwo laga soo qabtay xuduuda Itoobiya, oo badankood u socday Tahriib, kuwaas oo ku xidhan xabsi ku yaalla Jigjiga, waxaa la sheegayaa inay jiraan maxaabiis ku xidhan xabsi ku yaalla duleedka magaalada Addis Ababa.

Maxaabiistaas ayaa waxaa ku jira Wariyaha caanka ah Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha, kaasoo Maxkamad ku xukuntay 27 sanno oo xadhig ah, kaddib markii lagu soo eedeeyay tuhun ku saabsan inay ku lug lahaayeen qarax ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii sannadkii 2013-dii.