50-guurada dagaalkii Biafra ee Nigeria
50 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii Nigeria ay dhex muquuratay dagaal sokeeye oo ay dad badani ku dhinteen.
Muddo saddex sano ah ayuu milateriga dalkaasi waxa uu u dagaalamayay sidii uu ku wiiqi lahaa dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka ee Jamhuuriyaddii isku magacowday Biafra.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa dhintay intii ay colaaddu socotay, dadkaasi oo intooda badan u dhintay gaajo.
Hasayeeshee koonfur bari Nigeria ayaa waxaa haatan ka soo cusboonaaday baaqa ah in la helo dal lagu magacaabo Biafra.
Sanado badan kaddib colaaddii ugu dhimashada badneyd Nigeria, ayaa dad badan oo ka tirsan qowmiyadda Igbo waxa ay rumaysan yihiin in gobolkooda weli la gacan bidixeeyo.
Qaar badan oo ka tirsan dadka qowmiyaddaas oo u badan dhalinyaro aanan u soo joogin dagaalkii halkaa ka dhacay ayaa sheegaya in xalka kaliya uu yahay in dadka Biafra ay helaan madax banaani.
Dhaqdhaqaaqan ayaa waxaa hormuud ka ah Nnamdi Kanu oo ah nin Nigerian ah balse haysta dhalashada Britain, kaas oo haatan wajahayaa eedo ah inuu galay khiyaano qaran.
Waa ay adag tahay in la ogaado tirada taageersan dhaqdhaqaaqa haatan ee Biafra balse waxaa arrintaasi dhaqsaba ka jawaabtay dowladda Nigeria oo ku gacanseertay baaqkasta oo ku saabsan gooni u goosad.
Hogaamiyayaasha qowmiyadda Igbo ayaa sidoo kale dhawaan diiday baaqa gooni isutaaga Biafra, hasayeeshee waxa ay muujiyeen sida loogu baahan yahay in dhaqaalaha ka soo baxa shidaalka loo qeybsado si siman.
50-guurada dagaalkii Biafra ee Nigeria
50-guurada dagaalkii Biafra ee Nigeria