"XIKMADIHII LAGA DHAXLAY,FAYSAL CUMAR MUSHTEEG." W/Q:Ibraahim Maxamed Kaahin

0
Thursday July 06, 2017 - 15:41:16 in by salman abdi
  • Visits: 4747
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "XIKMADIHII LAGA DHAXLAY,FAYSAL CUMAR MUSHTEEG." W/Q:Ibraahim Maxamed Kaahin

    Faysal Cumar Mushteeg, Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Hargaysa. waxa uu dhashay hilaadku beegan 1940-kii, waxaana uu god galay, Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee, 21-kii sebtember, 2012-kii kaasoo lagu aasay magaalada Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cumar Mushteeg, Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Hargaysa. waxa uu dhashay hilaadku beegan 1940-kii, waxaana uu god galay, Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee, 21-kii sebtember, 2012-kii kaasoo lagu aasay magaalada Hargaysa.

Qaybo badan oo nolosha ummadda Soomaaliyeed ka mid ah ayuu aad iyo aad uga dhex muuqday. Sida aftahamada iyo fanka ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale wuxu ka mid ahaa xertii Qaraamka.


Intaa haddii aynu kaga nimaadno noloshii Faysal Cumar Mushteeg waxa aan hadalladii dhaxal galka ahaa ee laga reebay intii uu noolaa, Faysal Cumar Mushteeg. Ka soo qaadan doonaa, in kooban oo aad u xikmad badan.
Waxaynu u kala qaybin doonnaa, laba qaybood: qaar uu u tiriyay dumar, ama ku ammaanaayay, dumar uu jeclaa, iyo qaar kale oo uu kaga hadlaayay magaalooyinkii iyo degmo kasta oo uu uga tagay, kana yidhi maahmaah iyo wax lagu xasuusto.

Haddii aynu ku horayno kuwa uu dumarka u tiriyay waxaa ka mid ah:-

1-"Buxayraay abid taan ubaahnaa, baxyoo warkii beesha wada gaadh."
2-"waxaan ahay jiif nin loo diiday, waxaan ahay jooganaha maqan, waxaan ahay ruux la kala jaray, Jabuuti iyo Jawhar kala jira."
3- "Jacaylkaagu naartii jahannama iyo jaxiima ku noqay jidhkaygii, jubayl baan jiibta kaaga tiriyaa."
4-"Ciilkayga kolla caashaq daynmaayoo.. ciyaarta cidkale la garan maayee, carsaanyo sigaarka ha ila cabtee ciiddii bada cagaha ii saar."
5. "Qodbaad tahay, meel qabow ka baxay, qajeel ubaxii dhammaan qariyay, qacdaan ku arkaan is qoonsaday, bal qabsoo waaban kuu qandhaysnahay."
6."Maantay soo kortay u kulushahay, kiiloobtara kooras loo diray."
7.Degganeey sida dooxa daad maray, daaqiina kaga dhigay labada dacal, duunyadu weli daaqin baad tahay"
8."Meeshii cantar geela soo mariyiyo, midh-way baan murti kaaga tiriyaa."
9."Nafyahay haybisa had iyo jeer markay hor tegtana ka hogataa, haddaanad hadal kula hagaagayn, inaad ka hadhaa habboonayd."
10. "Harraaday intaan u heesaayoo, habsaamay intaan heblaayda hayee, hirdaayaye maan iskaga hadho."
11. "Nasiibkaygaa i nacaseeyee, noolaada adigiyo ninkaaguba."
12. "Labada sunne iyo sankiyo luquntiyo, sifaha kubabkiyo timaha sugulka ah, mida aan la samayn waxaan la simaa, isaaqdaye wey i sidataa."
13. "Timaha madaxiyo haldhaa mooddiyo, haybadda wajigee hidda u-dhaladka ah, hub qaadkeenu hibasha igu reeb."
14."Doofaarka ficil la'iba loogu shidaa, aniguna ku doortoo kuma dayn karaaye."
15."Hadday dib jiraan dugaag ma cunnee, Hal ay daayo, dadkayga waa weyn."
16."Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa, Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee, Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid, Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha, Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo, Wixii na dhibaaya naga dhowr.”
17."Waxaan canbayow haadka kaa celiyaba, Waxaan sida Cawsha kuu guciyaba, Ma hadday ku cuneen cadaawuhu,”
18."Burcoo idil baa bidhaamaysoo, Baroo idil baa barwaaqooboo, ‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ Laydh,”
19."Bustaankaan ka beeray Boorame, Baaq baaq baan islaa bilaa dhow, Bartiikhii la guursay waa been,”
20."Saamiya quruxdii adaa ka sitoo, Sabaaxna waad ka qaadday sowdkiiyoo, Sidoodiina waad u socotaa”
21."Illeyn naftu way ku amartaayoo, Hadday ibtilowdo kaa adag,”
22."Sidii baxarasaaf ku yaalla bustaan, Ayaad hadba ii bidhaantaa,”
23. "Beerkayga haddii badh loo jarayuu, Bogsiinaayo kuma bakhayleen,”
24. "Dareemay in laysku keen dirayoo, La kala dilay daacaddeennii,”
25. "Haddii lagu dilo anaa damqado, Laysuma daayo laba is-doonaysoo, Dadkeennu waxyeelladuu door bidee, Ku doortaye may ku daayaan,”
26. "Timaha halaqeed haldhaa mooddiyo, haybadda wajigeeda hidda u-dhaladka ah, hub qaadkeedu hibasho igu reeb"



Qaybtii hore waxa aynu ku soo aragnay, hadalladii uu Faysal Cumar Mushteeg, hablihii uu jeclaa, ku ammaaanaayay, qaybtan labaadna waxa aynu ku xusi doonnaa, hadalladii hal haysyada caanka baxay noqday ee uu ka yidhi magaalo kasta iyo degmo kasta oo uu tagayba, waxaana ka mid ah;-
1."Nafyahay batallaale waad u buktee ku bugso badda mawjaddeedii."
2. "Domiyo baribaa idaashaday, Dayaxi waa u galbe, halkaan tagay"
3. "Waxaan ku su’aalay saaxiib, tan iyo saaka weynu sii soconnee, Saraari ma jidkii Siraadbaa,”
4. "Qodaalkii Geblaan ka qaylinayee, Ma haddaan galay Qaaba Qowseyn,”
5. "Barbaartaan la bartiyo barigii ka imee, Buraan ma badday ku taallaa”
6. "Buurahan jinni baa isku baahinayee, Buraan Herer ways bidhaanshaan,”
7. "Waddadaa Bariyeey ku weheshaday, warkiyo hayga goyn waraaqaha,”
8. "Wiigganba War-idaad baan dul weehanayee, tanina ma Wadaamo-goobaa,”
9. "Ciyaartaan bartiyo casrigii ka imee, Ceel Af-weyn caano geel ma yaallaan,”
10. "Dammaam iyo Khobar ma doonaayoo, Dariiqa Togbaa I daashadayoo, Dookhayga dalkan waan la garan waayee, Aan duulee dayaarad ii doon,”
11. "Habeenba hir baan ka heesi jiree, Caawana Hilton baan hawaarsaday,”
12. "Nafyahay orodoo arligii qaba oo, Halkii aad ku ogeyd ka soo eeg,”
13. "Burcoo idil baa bidhaamaysoo, Baroo idil baa barwaaqooboo, ‘Parkerow’ waxa timid ‘Blue Light,”
14. "Maankiisaa ninba meel ku mashquulinayee, muqdishaa anna la iiga muuqdaa”


Qoraa:-Ibraahim Maxamed Kaahin
(Ibraahim Dhuxul)
Gmail:- dribraahimm@gmail.com