Afar Dal Oo Carbeed Oo Sheegay Inay Tallaabo Deg-deg Ah Ka Qaadayaan Qadar.

0
Friday July 07, 2017 - 15:43:58 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Dal Oo Carbeed Oo Sheegay Inay Tallaabo Deg-deg Ah Ka Qaadayaan Qadar.

    Jiddah(AFKA);-Afarta dal ee Carbeed ee hogaaaminaya go'doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Dooxa ee dalabkooda ku macneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiddah(AFKA);-Afarta dal ee Carbeed ee hogaaaminaya go'doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Dooxa ee dalabkooda ku macneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah.

War ay si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay sidoo kale kaga digeen tallaabooyin dheeri ah.
Afartaas dal ayaa xidhiidhkii u jaray Qadar bishii hore, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha jihaaddoonka ah.
Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu hor kacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa la filayaa in uu Isniinta gaaro dalka Kuwayd oo dhexdhexaadinaya dhibaatada Khaliijka.
War qoraal ah oo ay Khamiistii si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay ku sheegeen in diidmada Qadar ee 13-kooda dalab in ay ka dhigantahay sida ay u doonayso in ay sii wado siyaasaddeeda ay uga golleedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.
Waxaa kale oo ay ku hanjabeen in ay soo saari doonaan tallaabooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah dalkaas yar ee Khaliijka ku yaalla, iyaga oo aan arrintaas faahfaahin dheeri ah ka bixinin.
Waxyaabaha ay dalalkaasi Qadar ka dalbadeen waxaa ka mid ah in ay albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay hoos u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay iyo sidoo kale in ay ku soo wareejiso dadka ay argagixisonimo u raadinayaan.